Waxgaradka Cadaado & Gudiga Dib Uheshiisiinta Galmudug Oo Shirkooda Lagu kala Kacay

Waxgaradka Cadaado & Gudiga Dib Uheshiisiinta Galmudug Oo Shirkooda Lagu kala Kacay

0
SHARE

Shir ka dhacay Magaalada Cadaado ayaa waxaa yeeshay Waxgaradka Magaaladaasi iyo Xubnaha kasocday Gudiga Dib uheshiisiinta Beelaha Dega Galmudug Ee Dawlada Soomaaliya magacowday. Advertisement

Waxaa Xubnaha gudigaan ay shalay gaareen Cadaado,xalay ilaa maantana kulamo ayaa socday balse waxaa uu kusoo dhamaaday fashil iyo is fahmi waa.

Odayaasha iyo Cuqaasha Cadaado ayaa ka biyo diiday qorshaha reer Dhuuso mareeb ay kula heshiiyeen Dawlada Dhexe,si cad ayeyna udiideen ka qeyb galka shirka Nabadeynta la sheegay inuu dhawaan dhacayo.

Waxa ay ku baaqeen hadii la rabo dib uheshiisiin in la iskugu yimaado Cadaado oo ah Caasimada baarlamaanka Galmudug. Advertisement

Dr Baadiyoow iyo Xubnaha Gudigaasi ka socday ayaa waxay dhowr jeer isku dayeen inay xaliyaan wax tabashada Beesha Cadaado degta balse shirka ayaa lagu kala dareeray.

Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa saldhig ka dhigtay dhuuso mareeb,qudhiisa waxay mar kale is hayaan sida la sheegayo Xubnaha Ahlusuna oo qodobadii lagu heshiiyey hadana buuq ka yimid.

LEAVE A REPLY