Xog; beelo ka baqaya in la weeraro kadib qaraxii dhuusamareeb oo ka...

Xog; beelo ka baqaya in la weeraro kadib qaraxii dhuusamareeb oo ka barakacay magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Guraceel.

0
SHARE

Cabsi Xooggan ayaa soo wajahday dadka ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ee ku dhaqan Gobolka Galgaduud gaar ahaan magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Guraceel.Advertisement

Qaar ka mid ah oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney dareemayaan cabsi xagga amniga oo ku aadan in loo beegsado falalka argagixiso ee isugu jira dilalka iyo Qaraxyada ka dhacaya Galmudug gaar ahaan magaalada Dhuusa-mareeb.

” Cabsida aan dareemeyno waa in naloo beegsado Qaraxyada iyo dilalka ay kooxaha argagixisada ka geystaan magaalada Dhuusaareeb iyo Guraceel,maadama dhalinyarada inta badan Al-Shabaab soo adeegsadaan ay ka soo jeedaan deegaanada Koonfur Galbeed,anagana xaggaa ka soo jeedo balse halkan aan ku dhaqanahay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ka soo jeeda K/galbeed oo ku sugan magaalada Dhuusa-mareeb,”

Ninkan oo magaciisa diiday in warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegay in qaar ka tirsan dadkan la beegsanayo ay bilaabeen iney ka guuraan magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanada kale ee Gobolka Galgaduud ka dib markii ay ka baqeen in loo laayo falal aysan iyagu geysan.Advertisement

Arrintaan ayaa ka sii dartay markii maanta labo Qarax uu ka dhacay magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud,kuwaasi oo mas’uuliyadooda ay sheegteen Ururka Al-Shabaab.

Dhowaan ayay ahayd markii dad ka soo jeedo deegaanada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle lagu laayay magaalada Gaalkacyo ka dib markii Sarkaal Nabad sugid lagu dilay.

LEAVE A REPLY