Xog ciidamo ku hanjabay in aysan Hawada Gaalkacyo soo gali karin diyaaradi loo diiday cadaado iyo dhusamareb ee kheyre cidanka u waday

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Tan iyo markii magaaalada dhuusamareeb iyo cadaado loo diiday in magaaladaasi ay San ka soo dagi karin diyaarad ciidan u sida kheyre aya waxa soo baxayay warar shegaya in kheyre uu ciidanka uga imanaya Muqdishu uu kala soo dagi doono garoomada Gaalkacyo gar ahan kuwa galmudug

Qaar ka mida a saraakiisha ciidanka daraawishta iyo ciidamo beleedyo hubaysan aya shaaca ka qaaday in hawada Gaalkacyo aysan soo gali karin diyaarad ciidan oo ka imanayso Muqdishu waxaana ay shegeen in Aysan mar naba ogalaan doonin diyaarad u socota kheyre in ay ka soo dagto gaaalkacyo

Saraakiishan aya ku hanjabay in ay talaabo qaadi doonan hadii kheyre uu isku dayo in uu Gaalkacyo ciidan ka soo dajiyo waxaana ay saraakiisha ay shegeen in ay digniintan tahay mid loogu shegayo kheyre in uu san isku dayin wararka soo shaac baxayay

Waxay tilmaamen in kheyre markii horeba uu ka danbeyay qorshijii xaaf looga soo saaray dhuusamareeb hadana ay isaga haysato tii oo kale waxayna tilmaamen in hawada gaaalkacyo ay u furan tahay oo kaliya diyaaradaha rakaabka ah ee shacabka

Magaaalada Muqdishu wali waxaa ku xaniban diyaarad ciidan oo u soo socotay dhuusamareeb waxaana diyaaradaasi ciidanka u waday kheyre dhuusamareeb u diiday in ay ka soo dagto ururka ahlusuna iyadoona markii danbe ay so shaac baxen in xita cadaado laag diiday in diyaaradaasi aysan halkasi imaan taasi oo keentay in diyaarada ciidanka u waday kheyre ay wali ku xanibnaato garooonka adan cade ee Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.