Xog Go’aankii Madaxweyne Xaaf ee lama filaanka ahaDoorashada & Dib u...

Xog Go’aankii Madaxweyne Xaaf ee lama filaanka ahaDoorashada & Dib u heshiisiintii Galmudug

0
SHARE

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shaaciyey inuu arrimaha iyo dib u heshiisiinta Galmudug u wakiishay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya. Advertisement

Qoraal lama filaan ah oo uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayuu ku sheegay in markii uu arkay qodobka 50aad farqadiisa 5aad ee Dastuurka Galmudug, baahida loo qabo in dadajiyo arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug, isla markaana uu tixgeliyay Xaalada cakiran ee ka taagan Galmudug uu isagu go’aansaday in geeddi socodka doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta Galmudug uu u wakiishay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya.

Wuxuu qoraalkiisa ku wargeliyay dhammaan hey’addaha kala duwan ee Galmudug ay sii wataan waajibaadka ay u hayaan bulshada reer Galmudug, inta laga soo dhisayo dowlad cusub.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Xaaf uu aqbalay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay mas’uul ka noqoto wixii hadda ka dambeeya howlaha doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ee la filayo in dhowaan la bilaabo. Advertisement

Qoralka kasoo baxay madaxweyne Xaaf ayaa u muuqda inuu gebi ahaan isu dhiibay dowladda Somalia, wuxuuna ka danbeeyay kulan uu madaxtooyada Villa Somalia kula yeeshay Madaxweyne Farmaajo oo wararku sheegayaan in heshiis hoose uu la gaaray.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XAA

LEAVE A REPLY