Xog Maxa ka jira in Madxweyne Xaaf ay Dowlada Dhexe siisay Lacago...

Xog Maxa ka jira in Madxweyne Xaaf ay Dowlada Dhexe siisay Lacago Malayin Dollar ah

0
SHARE

 xog dheeraad ah ayaa laga helay heshiiska dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweyne Xaaf ayaa ka soo dabcay kana tanaasulay go’aankiisii mudo kororsiga oo qeyb ka ahaa waxyaabihii ay ku kala fogaadeen isaga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxtooyada dalka looga aramiyo.

Xaaf ayaa hadda saaxiib dhow la ah Villa Soomaaliya,wuxuuna ku sugan yahay magaalada Muqdisho oo mudo sanado ah ugu dambeysay,isagana uu qirtay inuusan sanad ka badan arkin gurigiisa Muqdisho Cadaadana uu diyaarad ku dulmaray,taasi sababtay khilaaf ragaadiyay maamulkiisa Galmudug iyo Dowladda Federaalka.

Illo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow Xaaf ayaa inoo sheegay in madaxweyne Xaaf loo balan qaaday malaayiin dollar oo isaga jeebka loogu shubo iyo maareynta dhaqaalaha Villa Soomaaliya ay ku dooneyso iney ku bixiso dhaq dhaqaaq dib u heshiisiinta Shacabka Galmudug iyo doorashada lagu wado iney ka dhacdo Galmudug,sidoo kale, madaxweyne Xaaf ayaa dalbaday fulinta mashaariicdii horay madaxweynaha uga dhagax dhigay deegaanada Galmudug oo wali aan la fulin.Advertisement

Xildhibaano ka soo jeeda Galmudug oo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa loo saaray dhammeynta heshiiska madaxweyne Xaaf iyo Dowladda Federaalka,kuwaasi oo ku qasbay in galabta uu ka soo degto magaalada Muqdisho si dhaqsi ahna ula kulmo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Ra’iisal wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Galmudug ayaa socdaalo badan u galay sidii la isugu soo dhoweyn lahaa shacabka Galmudug ee is diidan iyo in Galmudug heshiis la qaadato Dowladda Federaalka.Advertisement

Sidoo kale,socdaalka Kheyre ee Galmudug waxaa laga dhexlay iney madaxda Galmudug aqlbalaan baaqii Dowladda Federaalka ee ahaa in doorashada waqtigeeda ku dhacdo,islamarkaana aanay dhicin mudo kororsi.

LEAVE A REPLY