Xog. Siyasiin ku howlan Fashilanta Shirka Hobyo Oo Galkacyo ku sugan

Xog. Siyasiin ku howlan Fashilanta Shirka Hobyo Oo Galkacyo ku sugan

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo: Warar lagu Kalsoon yahay oo ay heshay Hobyomedia.com aya Sheegaya in Magalada Gaalkacyo ay soo Gaareen Wafdi iyo siyasiyiin ka soo jeeda Deganada Dowlad Gobaledka Galmudug Kuwaasi oo gaalkacyo ku sugan.

Siyaasiyiinta ayaa Gaalkacyo u yimid fashilinta Shirka la filayo inuu ka Furmo Magaalada Hobyo waxanaa siyaasiyinta ay ku sugan yihin Hoteelo Ku yaala Magaalada Gaalkacyo , Halkaasi oo ay ka wadan shirar kala Duwan oo la doonayo in lagu carqaladeyo shirkaasi .

ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa hobyomedia.com u sheegay in magaalada Gaalkacyo la soo galiyay Lacago farabadan . lacaagahasi oo la doonayo in shirka hobyo lagu fashiliyo waxana wararka ay shegayan in lacagtaasi ay ka timid dowlada dhexe.

Dhanka kale magaalada hobyo waxa ku sugan cuqaal kala duwan oo ka soo jeeada beelaha habargidir , waxana sidoo kale la filaya in odayaal iyo siyaasiyin kale ay gaaraan hobyo kuwaasi oo ka qayb galaya shirkaaasi

Mid ka mid ah Odayaasha Beesha sacad Habargidir oo la Hadlay Warbaahinta Hobyomedia.com Xafiiskeeda Gaalkacyo aya waxa uu sheeagy in Muqdsho ay ka yimaadeen Siyaasiyiin ka soo jeeda Galmudug kuwaasi oo u yimid in meesha laga saaro shirkaasi, waxana uu sheeagy in dowlada Dhexe ay doonayso in carqalad la kala dhigo Bulshada deganada galmudug isla Markana dowlada dhexe ay diidan tahay in uu qabsoomo shirka ka Dhacaya magaalada Hobyo

Shirka hobyo ka dhici doona ayaa ah shir mudo la qaban qaabinayay Waxana hoybo isugu tagi doona beelo fabaradan waxana laga hadli doona Aayo ka talinta Beesha Habargidir iyadoo la sheeagy in shirkaasi aanan lagu soo hadal qaadi doonin arimo siyaasadeed balse laga hadli doono Arimo la xirira horumarin iyo dib u heshisiin Guud ee Beelahaasi

Wixii Warar ah oo ku soo kordha kala Soco Hobyomedia.com

LEAVE A REPLY