XOG: Xildhibaano ku shiray Muqdisho oo ku heshiiyay Qorshe halis ku ah...

XOG: Xildhibaano ku shiray Muqdisho oo ku heshiiyay Qorshe halis ku ah RW Kheyre

0
SHARE

Xildhibaanada mucaaradka ah kuu jira Labada Aqal ee baarlamaanka ayaa bilaabay abaabul ay ku doonayaan iney la xisaabtan adag kula yeeshaan Hay’adaha ugu sareeya dalka sida Hay’adda fulinta ee Dowladda.Advertisement

Xildhibaanadan ayaa qaba aragti ah in xog buuxda laga siiyo muranka u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadan Kiiska badda ee yaala Maxkamada cadaalada aduunka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Mucaaradka oo ku shiray magaalada Muqdisho ayaa guddoonka ka dalbaday in loo yeero Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre si ay wax uga weydiiyaan muranka badda,halka uu marayo iyo waliba dhaq dhaqaaqa aan wanaagsan ee dhanka diblomaasiyadda Kenya wax ugu dhimeyso Qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Xildhibaanada oo gaaraya 50-Xildhibaanad ay soo jeedintaasi u gudbiyeen Guddoonka Golaha Shacabka kuna adkeeyeen in Ra’iisal wasaare Kheyre sida ugu dhaqsiyaha badan u horyimaado Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.Advertisement

Lama oga inuu fuliyo dalabka Xildhibaanada iyo in kale,wallow marar badan oo ay codsigaasi gudbiyeen loo fulin,maadama Hay’adda fulinta ay gacanta ku heyso Hay’adda sharci dejinta.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa hadda ku maqan Galmudug halkaasi oo uu ka wado qorshe Dowladda Federaalka garwadeyn ka tahay oo maamul mideysan loogu dhisayo Galmudug.

LEAVE A REPLY