Xogtan Akhri:Farmaajo & Kheyre oo dan gaar ah ka leh Galmudug, kuna...

Xogtan Akhri:Farmaajo & Kheyre oo dan gaar ah ka leh Galmudug, kuna fashilmay Xalinta Khilaafka

0
SHARE

Xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaal xooggan ku bixineyso xalinta khilaafka Galmudug iyo dhismaha maamul mideysan oo ay yeeshaan shacabka maamulkaasi, ayaa hadana waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dowladda Soomaaliya ku fashilantay xal ka gaarista doorashada Galmudug.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa qaba aragti ah in Dowladda Federaalka Soomaaliya u marin arrinta Galmudug hab loo baahnaa.

Xildhibaan Cabdi Xasan Cilmi (Indha-yare) oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay xal ka gaarista doorashooyinka Galmudug.

Wuxuu tilmaamay xildhibaanka in Ra’iisul wasaaraha uu dedaal badan bixiyey, ayna fiican tahay dib u heshiisiin, balse aanay ahayn in Dhuusamareeb gogol la dhigo.

Kheyre ayuu sheegay inuu ku degdegay go’aanka ah in doorashooyinka iyo sidoo kale gogosha wadahadalka la dhigo Dhuusamareeb, taasi oo ka carreysiiyey qaar ak mid ah beelaha, gaar ahaan beesha Cadaado.

LEAVE A REPLY