Akhriso: Beesha Injineer Yariisow Oo Hal Arrin Isku Raaci La’

Geeridii Duqii magaalada Muqdisho iyo guddoomiyihii gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Yariisoow kadib, markii laga gudbay tacsidii qarameed waxaa soo baxay murashaxiin fara badan oo xilkan u taagan.Advertisement

Seddax ka mid ah waxay kasoo jeedaan beesha Da’auud oo xilkaasi doonaya in ay hantaan, hase ahaatee mid walba uu dhinac u ordaayo, siyaasiyiin beesha ahna taageerayaan.

Warar hoose ayaa xaqiijinaaya in sedax murashax oo ku heyb ah Eng. Yariisoow Allaha u raxmadee balse kala jufo ah inay xilkaasi xusul duub ugu jiraan, kuwaasi oo beesha Daa’uud ee ay ka dhasheen ka dhex abuuray loolan adag iyo in mid walba jufadiisa dhinac u orodo.

Seddaxda murashax ee xilkaasi u hanqal taagaya ee kala ah AVV. Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegeey) oo ahaa guddoomiyihii guddigii doorashada baarlamaanka xiligaan haddana ah La-taliyaha ra’iisul wasaaraha ee dhinaca sharciga isla markaana ah aqoonyahan dhinaca sharciga bartay waaya aragna ah. Cumar C/llaahi Xasan, qurba joog soo noqday Guddoomiyihii degmada Wadajir, balse xilkaasi laga qaaday, iyo Cali Gacal oo Agaasimaha Gaadiidka cirka iyo dhulka. Dhamaantood waxay kasoo wada jeedaan beesha uu ka dhashay Marxuun Yariisoow.Advertisement

Kulamo gaar gaar ah oo lagu mideynayay murashaxiintaasi ayaa guuldareystay kadib markii waxgaradka beesha ay ka dhasheen ay soo jeediyeen in ay haboon tahay in hal murashax lagu midoobo, xooggana la isla saaro si loogu guuleysto murashaxiinta kale ee xilkaan dooneysa in loo magacaabo.

Tafaraaruqa iyo midnimo la’aanta in hal murashax ay isku raacaan ayaa noqotay mid niyad jab ku riday waxgaradka beesha, oo uu ugu horeeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo maalmihii lasoo dhaafay ku mashquulsanaa tacsida Eng. Yariisoow ee madaxda dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed ugu imaanayeen.Advertisement

Hase ahaatee, waxaa socda dadaalo lagu mideynayo murashaxiintaasi, inkastoo beesha ay dooneyso in xoogga la saaro aqoonyahanka rug caddaaga ah ee Abuukaate Cumar Dhegeey oo ay u arkaan inuu mudan yahay in xilkaasi qabto, halka Cali Gacal loo sheegay inuu xilkiisa agaasinimo dhuuqsado, Cumar C/laahi Xasan isna horay loo soo tijaabiyay oo uusan madaxda dowladda qaarkood taageero ka heysan, sababta xilka guddoomiye degmo looga qaadayna ay meesha ku jirto.

hobyomedia

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

(Sawiro+Faah-Faahin Dab Qasaare Hantiyeed Gaystay Oo Qabsaday Mid Ka Mid ah Dhismayaasha Ugu Caansan Dhanka Gaalkacyo ee Galmudug
- Nov 22, 2019
HM__Xafiiska Gaalkacyo :Dab Gaystay Khasaare Hantiyeed Ayaa Saqdii dhexe Ee Xalay Abaaro 12:45 ...
Akhriso QM oo war Culus ka soo Saartaz Khilaafka u dhaxeya Dowlada Somaliya iyo Maamul Gobaleedyada
- Nov 22, 2019
Wakiilka Gaarka ah ee Qaramaada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo khudbad u jeedinaayay ...
DEG DEG: Kulankii Muxaadarada uu Sheikh Umul ku qaban lahaa Muqdisho oo baaqday + Sababta
- Nov 22, 2019
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay inuu baaqday ...
Natiijooyin hordhac ah oo laga helayo baaritaanka xabadii dishay Elmas Elman
- Nov 22, 2019
Waxaa soo baxaya natiijooyin hordhac ah oo ku saabsan halka ay ka timid xabadii ...
Dowlad ka tirsan Yurub oo dayuurad gargaar sida ka soo dejisay Muqdisho (Sawirro)
- Nov 22, 2019
Diyaarad weyn oo sida gargaar loogu tala galay dadka fatahaadaha iyo daadadka roobku ku ...
Akhriso Qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Ururu oo aan dhaqangelin
- Nov 21, 2019
Todobo maalmood kaddib heshiiskii Magalaada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ...
Akhriso Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qabanayo Garoon kuyaala Muqdisho oo laga soo horjeestay
- Nov 21, 2019
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ku sugan Wadaadka Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh ...
SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarun dib loo howlgeliyey
- Nov 21, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ...
Daawo Qaar ka mida Dadkii ka danbeyay Dilkii Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo dil lGU Xukumay
- Nov 21, 2019
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay ...
Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen
- Nov 21, 2019
Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal milatari ...
 
Advertisements