Akhriso Mashaqo lama filaan ah oo saameysay Xaflad aroos ka dhaceysay Deegan...

Akhriso Mashaqo lama filaan ah oo saameysay Xaflad aroos ka dhaceysay Deegan hoostaga gobolka Mudug ee galmudug

0
SHARE

Xaflad aroos xalay ka dhacday tuulada Lulubsho oo hoos tagta degaanka Wisil ee gobolka Mudug ayaa ku soo gebagobewday dhimasho, dhaawac iyo tiiraanyo.

Mashaqadan ayaa timid ka dib markii rasaas loo ridayey dabaaldega iyo mashxarada arooskan ay si lama filaan ah u haleeshay qaar ka mid ah dadkii ka dhowaa goobtaas iyo ka soo qeyb galayaashii arooska, iyadoo dhaqanka aroosyada lagu dhigo gobolka Mudug iyo qeybo ka mid ah gobolada kale ee dalka ay qeyb ka tahay in rasaas dabaaldeg ah hawada loo rido.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday rasaasta, halka mid kalena uu ku dhaawacmay, waxaana mar kaliya farxadii iyo mashxaradii ka jirtay arooska ay isu rogtay tiiraanyo iyo murugo.

Ruuxa dhaawacmay ayaa haatan lagu dabiibayaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, oo aad uga fog goobta uu shilkaas ka dhacay, waxaana intii wadada lagu sii jiray geeriyooday qofkii labaad oo dhaawaciisu aad u cuslaa.

LEAVE A REPLY