Akhriso Maxa ka Jira in Ahlu suna ay balanta uga baxday RW...

Akhriso Maxa ka Jira in Ahlu suna ay balanta uga baxday RW Kheyre & ciidankii DF oo laga saaray Garoonka Dh/mareeb

0
SHARE

Undo

Wararka naga soo gaarayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in caawa maqribkii ciidamo ka amar qaata Ahlu suna Waljameeca ay la wareegeen Garoonka diyaaradaha magaaladaasi. Advertisement

Dhowaan ayaa amniga Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb waxaa lagu wareejiyay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya,kuwaasi oo sugaya ammaanka garoonka iyo xarumaha kale ee Dowlad Goboleedka Galmudug ee magaalada Dhuusa-mareeb.

Ciidamo aad u hubeysan oo wata 5-gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusa-mareeb,waxaana uu muran dhexmaray ciidankii Federaalka ee amniga Garoonka gal hore lagu wareejiyay.

Wararka kale ee caawa naga soo gaarayo magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay sheegayaan in ururka Ahlusunna ay qarka u saaran yihiin in ay ka baxaan Heshiiskii dhawaan ay la gaareen Dowladda Soomaaliya. Advertisement

Kulamo kala duwan ayaa ka socda Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la sheegay in Mas’uuliyiinta Ahlusunna ay sheegeen in ay cabasho ka yihiin Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ha reer maran qaar ka mid ah qodobadii lagu heshiiyay.

Mid ka mid ah Wasiiradda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb ku sugan ayaa xaqiijiyay in Ahlusunna ay ka carootay taliyeyaal Ciidan oo dhawaan dowladda Soomaaliya ay u Magacowday Qeybta 21-aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed. Advertisement

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Xubnaha Hoggaanka Ahlusuna ayaa shaki geliyay heshiiskii dowladda Federaalka ay la galeen, isagoo su’aal ka keenay dhaq dhaqaaqyo ka socda Dhuusamareeb iyo qorshayaal ay wado dowladda Federaalka ee la xiriira howlaha maamul dhisida Galmudug

LEAVE A REPLY