Al-Shabaab oo shaaciyay inuu si dirqi ah kaga badbaaday Guddoomiye caan ah

Al-Shabaab oo shaaciyay inuu si dirqi ah kaga badbaaday Guddoomiye caan ah

0
SHARE

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen Guriga Guddoomiyah Degmada Jalalaqsi iyo saldhig Ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin Magaaladaas. Advertisement

Al-shabaab waxaa ay sheegeen in weerarka lagu qaaday Guriga Guddoomiyaha uu ahaa mid gaadmo ah islamarkaana Guriga uu xilligaas ku sugnaa Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa.

Waxaa ay sheegeen in rasaas xoog leh dhexmartay ilaalada Guddoomiyaha iyo Ciidamada AL-shabaab ee weerarka ku qaaday Guriga.

Al-shabaab ma sheegin khasaare ka dhashay weerarka waxaa kale oo ay shaki geliyeen xaaladda uu ku suganyahay Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan. Advertisement

Dhinaca kale waxaa ay sheegeen in ay weerar ku ekeeyeen saldhig Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin magaaladaas islamarkaana muddo dagaallameeyeen.

Ciidamada Jabuuti ayey sheegeen in ay adeegsadeen hubka cul culus oo ay ka ridayeen dhufeysyadooda islamarkaana dagaal xoog leh uu ka dhacay goobta. Advertisement

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo AMISOM kama hadlin warka AL-shabaab ee sheegaya dagaalka degmada Jalalaqsi ka dhacay

LEAVE A REPLY