B/caalamka oo qaati ka taagan Khilaafka hareeyay DF iyo M/Goboleedyada

B/caalamka oo qaati ka taagan Khilaafka hareeyay DF iyo M/Goboleedyada

0
SHARE

Waxaa sii xoogeysanaya Khilaafka maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya,kaasi oo intiisa badan salka ku haayo arrimaha dastuurka iyo waliba qeybsiga kheyraadka dalka. Advertisement

Senator Xuseen Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in culeys weyn uu leeyahay khilaafka soo noq noqday ee ka dhaxeea Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada,isagoona hadalkiisa intaasi ku daray in dhibaatada ugu weyn ay ka taagan tahay Decoment lagu heshiiyay oo qeexaya awoodaha labad dhinac iyo jidadka ay kala marayaan majiro, xalkuna waa in dastuurka dib u-eegis lagu sameeyaa oo lagu sheego qof waliba in ay hesho doorkeeda hadhowna lagula xisaabtamo meesha ay ka baxeysana la ogaado,

Qareen Ciise Axmed Warsame, ayaa dhankiisa ka jawaabay su’aashii la weydiiyay senatorkii ka horeeyay waxaana uu yiri “ Arrintaan khilaafka ku saabsan waan aragnaa,hase yeeshee arrinta aan rabo inaan aniga inaan hoosta ka xariiqo waxaa ay tahay, dastuurka hadda jiro waa mid ku meel gaar ah, Soomaalidu waxaa ay tiraahdaa cawaba waa cumri, hadda waqtigaan xaadirka ah assaga ayaa la rabaa in lagu dhaqmo, khilaafka marka jira ee aad carabaawday waxaa loo baahan yahay in dastuurka ku meel gaarka ah in assaga loo celiyo,oo la yiraahdo dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah intaba in ay is warsadaan khilaafka si aan u maareyno ugu yaraan dastuurka federaalka ku meel gaarka ah bal aan ku sii camal falno ilaa inta laga gaarayo is badalka lagu sameynayo, oo hadda socda inta wax waliba la kala qeexayo”

Dr, Sheekh Cali Yaasiin Sheekh, ayaa ugu danbeyn la weydiiyay madashii dowlad gobaleedyada dadka qaar ayaa aaminsan in ayada uu khilaafka ka yimid ee kwrn waxaana uu ku jawaabay” Haddii uusan jirin makaam loonoqonaayo ama maxkaddii dastuuriga aheyd dastuurkii dalkana uusan dhameys tirneen option ka kale muxuu yahay? aan heysanno aan aheyn  inaan u wada hadalnaa sidii Soomaali uwada hadli jirtay aan aheyn oo aan isweydiino waxaa aan sameyneyno, haddii aad diido dowlad gobaleed ka aad is ku daydo inaan awood ku maquuniso labada dhinac waqti iyo dhaqaale badan waxaa uu uga dhumayaa dagaalkaas”. Advertisement

Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay Xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan Dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada,waxaana Dowladda Federaalka lagu eedeeyay iney awoodda dalka isku keliya yeeshay,islamarkaana dooneyso meesha ka saarto awooda maamul Goboleedyada

LEAVE A REPLY