Daawo :- Abdirahamaan Abdishakuur iyo Wafdigiisa oo gaaray hobyo si...

Daawo :- Abdirahamaan Abdishakuur iyo Wafdigiisa oo gaaray hobyo si rasmi ahna ugu Biiray Shirka Wadatashiga Nabdeynta Hobyo.

0
SHARE

Gudomiyaha Xisbiga wadajir Abdirahamaan Abdishakuur Warsame iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa Gaaray Magalada Hobyo Ee Gobolka mudug.
Waxaana Halkaasi ku soo Dhaweyey Maamulka iyo Bulshada Magaaladaas.

Hogaamiyaha Xisbiga wadajir Abdirahamaan Abdishakuur Warsame iyo Wafdigiisa oo Hada si rasmi ah igu Biiray Shirka Wadatashiga Nabdeynta Hobyo.

Waxaa garoonka diyaaradaha magaaalada hobyo ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan gudiga farsamada shirka nabada ee hobyo waxaana si toos ah loo soo kaxeeyay hoolka u ka socdo shirkaasi

Siyaasi Cabdi rahman oo hadal kooban siiyay xafiiska warqabadka hobyomedia ee magaalada hobyo ayaa u mahad celiyay cid walba oo sabab u ah imanshihiisa hobyo waxaana uu tilmaamay in hobyo uu u yimid ka qayb galka shirka nabada ee hobyo

Wali waxaa hobyo ku sii qul qulaya siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda beesha habargidir waxaana la filaya in shirka hobyo uu noqon doono mid isku soo dhaweeya beelweynta habargidir

Wixii warar ah oo ku soo kordha kala soco hobyomedia.com

Filo goordhaw sawiro iyo muqaalo dheraad ah

LEAVE A REPLY