Daawo Degmada Hobyo Oo lagu qabtay banaanbax lagu taageeraayo Dhismaha Dakadda...

Daawo Degmada Hobyo Oo lagu qabtay banaanbax lagu taageeraayo Dhismaha Dakadda Hobyo.

0
SHARE

Isku soo Baxaan oo ay soo Qaban qaabiyeen Bulshada iyo Maamulka Degmada Hobyo Ayaa ahaa mid Lagu Tageerayay Mashruuca Dowladda Qatar Ay ku dhiseyso Dekadda Hobyo Ee Gobolka mudug.

Dowladda Somaliya iyo Dowladda Qatar ay kala Saxiixdeen Mashrucaas kaasi oo Dhawaan la bilaabi doono waxana dhismaha dakada hobyo uu noqon doona mid ay ka wada faaideystaan bulshada galmudug

Banaanbaxa inta uu socday waxaa saxaafada iyo dadkii banaan baxayay la hdlay masuuliyiinta galmudug u qaabisan hobyo iyo sidoo kle xubno ka mida odayaasha beesha sacad oo iyagu isku soo baxa ka qayb galay

Mashruuca lagu dhisayo dakada hobyo ayaa bilaban doona dhawaan sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha galmudug

Dhamaan Bulshadii iyo Maamulkii ka qeyb Galay isku soo baxa ayaa si wadjir ah usoo dhaweyey Mashruuca Lagu Dhisayo Dekadda Hobyo.

Ku xirnow markasta hobyomedia.com

LEAVE A REPLY