War Culus : Khilaf soo shacbaxay ,Amar Culus oo la Dul Dhigay Saraaakiisha Maamula Ciidamada Dhuusamareb Maxa soo Kordhay

Amaro La Dul dhigay Madaxda Ciidamada iyo Maamulada Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel

Hoggaanka Ururka Ahlusunna ayaa 9kii Bishaan Shir deg deg ah la qaatay kaliyah maamulada degmooyinkii ay horay gacanta ugu heysay Ahlusunna ka hor inta aysan ku biirin maamulka Galmudug.

Sidda ay Hobyomedia.com u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadkii shirkaasi ka qeyb galay Ahlusunna ayaa ogeysiisay maamulada degmooyinka in uu jiro Khilaaf ku aadan Ahlusunna iyo dowladda dhexe maadaama aan la fulin qodobadii lagu heshiiyay qaarkood.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlusunna ayaa ku amray maamulada degmooyinka Dhuusamareeb, Guriceel Mareerguur iyo Matabaan in aysan qaadan karin Amar aan aheyn Midka hoggaanka ahlusunna.

Maamulada ayaa sidoo kale lagu amray in Garoomadda diyaaradaha ay ka ilaaliyaan in Ciidamo laga soo dejiyo.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Xubnaha Hoggaanka Ahlusuna ayaa dhawaan shaki geliyay heshiiskii dowladda Federaalka ay la galeen, isagoo su’aal ka keenay dhaq dhaqaaqyo ka socda Dhuusamareeb iyo qorshayaal ay wado dowladda Federaalka ee la xiriira howlaha maamul dhisida Galmudug.

Warqad loo diray Xafiisyadda Madaxweynaha , Ra’iisul Wasaaraha iyo Qaramada Midoobey ayaa muujisay tabashadda ay qabaan Ahlusunna waxaana ay sheegeen hadii laga jawaabi waayo Cabashooda ay qaadi doonaan tilaabo.

Warqadda ayaa lagu sheegay in Saraakiishii Ahlusuna ee lagu heshiiyay in la siiyo darajooyin oo aan weli la sharciyeyn, taasna ay niyad jab ku tahay ciidanka.

Sidoo kale waxaa looga dalbaday Ra’iisul Wasaaraha in bulshada qeybaheeda kala duwan ay ka sugayaan balan-qaadyadii uu u sameeyay, booqashadii uu ku tagay deegaanada Galmudug

hobyomedia

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

(Sawiro+Faah-Faahin Dab Qasaare Hantiyeed Gaystay Oo Qabsaday Mid Ka Mid ah Dhismayaasha Ugu Caansan Dhanka Gaalkacyo ee Galmudug
- Nov 22, 2019
HM__Xafiiska Gaalkacyo :Dab Gaystay Khasaare Hantiyeed Ayaa Saqdii dhexe Ee Xalay Abaaro 12:45 ...
Akhriso QM oo war Culus ka soo Saartaz Khilaafka u dhaxeya Dowlada Somaliya iyo Maamul Gobaleedyada
- Nov 22, 2019
Wakiilka Gaarka ah ee Qaramaada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo khudbad u jeedinaayay ...
DEG DEG: Kulankii Muxaadarada uu Sheikh Umul ku qaban lahaa Muqdisho oo baaqday + Sababta
- Nov 22, 2019
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay inuu baaqday ...
Natiijooyin hordhac ah oo laga helayo baaritaanka xabadii dishay Elmas Elman
- Nov 22, 2019
Waxaa soo baxaya natiijooyin hordhac ah oo ku saabsan halka ay ka timid xabadii ...
Dowlad ka tirsan Yurub oo dayuurad gargaar sida ka soo dejisay Muqdisho (Sawirro)
- Nov 22, 2019
Diyaarad weyn oo sida gargaar loogu tala galay dadka fatahaadaha iyo daadadka roobku ku ...
Akhriso Qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Ururu oo aan dhaqangelin
- Nov 21, 2019
Todobo maalmood kaddib heshiiskii Magalaada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ...
Akhriso Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qabanayo Garoon kuyaala Muqdisho oo laga soo horjeestay
- Nov 21, 2019
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ku sugan Wadaadka Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh ...
SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarun dib loo howlgeliyey
- Nov 21, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ...
Daawo Qaar ka mida Dadkii ka danbeyay Dilkii Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo dil lGU Xukumay
- Nov 21, 2019
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay ...
Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen
- Nov 21, 2019
Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal milatari ...
 
Advertisements