XOG Akhriso Maxaa ka jira in Hoggaanka Ahlu suna ay baxeen ...

XOG Akhriso Maxaa ka jira in Hoggaanka Ahlu suna ay baxeen dhammaan Heshiisyadii ay la galeen DF

0
SHARE

Hoggaanka Ahlu suna ayaa u muuqda kuwo ka baxay dhammaan heshiisyadii ay la galeen Dowladda Federaalka garwadeynna uu ka ahaa Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.Advertisement

Madaxa Xukuumadda Sheikh Cali Shaakir iyo Guddoomiyaha Ahlu suna Sheikh Macalim Maxamuud waxay isla garteen ineysan sax ahayn in waxay mudo u soo dhabar adeygayeen una soo hureen naf iyo maal in si fudud oo kalsooni la’aan ah ku bixiyaan,islamarkaana wadaan qorshe ay kaga durqayaan dhammaan heshiisyadii ay la galeen Dowladda Federaalka.

Sida wararka aan ku helnay Hoggaanka Ahlu suna ayaa la dhacsaneyn sida ay tahay wax uga socdaan magaalada Dhuusamareeb iyo ciidanka Ciidanka Nabad sugida ah ee lagu wareejiyay amniga xarunta lagu qabanaayo shirka dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug,halkaasi oo habeen ka hor ay ku dagaalameen ciidanka Booliska oo taabacsan Sheikh Shaakir iyo kuwa Nabad sugida oo ka amar qaata Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya.

Wasiirka amniga oo si deg deg ah looga yeeray magaalada Dhuusamareeb ayaa shalay tegay,wuxuuna shir arrimaha looga hadlay uu la yeeshay madaxa Xukuumadda Galmudug,waxaana sida wararka aan ku helnay kulankaasi uu noqday mid aan mira dhalin oo lagu kala tagay.Advertisement

Dhanka kale, waxaa caqabad ka jirtaa qabsoomid shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo lagu wado inuu ka furmo magaalada Dhuusamareeb,iyadoo ay jiraan Beelo diidan iney shirka ka soo qeyb galaan xilli wali tabasho ay ka qabaan sida wax loo wado.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wajaheyso culeysyo siyaasadeed oo baaxad leh kuwaasi oo kaga imaanaya Beesha caalamka iyo qaar ka mid ah maamul Goboleedyada.

LEAVE A REPLY