XOG: Al-Shabaab oo shaaciyay iney weerar culus ku qaadi doonaan mid ka...

XOG: Al-Shabaab oo shaaciyay iney weerar culus ku qaadi doonaan mid ka mid ah xarumaha DF

0
SHARE

Ururka Al-Shabaab ayaa ku hanjabay iney weerar culus ku qaadi doonaan mid ka mid ah Xarumaha lagu tababaro Ciidamada Dowladda Soomaaliya,kuwaasi oo ay sheegeen iney ka socoto howlo lagu qoro maleeshiyaad lagula dagaalamo Al-Shabaab.Advertisement

Afhayeenka dhinaca Howlgalada Al-Shabaab Sheikh Abdul Casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta Al-Andulus oo ka hadasha Afka Al-Shabaab ayaa sheegay iney qorsheynayaan weerar ay ku qaadaan xarunta Turk-som oo ah xarun Saraakiil Turkish ah tababar ay ku siiyaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Abuu Muscab ayaa sheegay in xaruntaasi lagu soo saarayo maleeshiyaad la dagaalama Al-Shabaab,sida uu hadalka u dhigay,islamarkaana ay ka hortagayaan khatartaa weyn ee halkaasi kaga soo socoto.

Waxaa hadda shaqeynaya Ciidamo badan oo halkaasi tababar heer sare ah ku soo qaatay kuwaasi oo isugu jira Boolis,militari iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAG loo yaqaano.Advertisement

Ururka Al-Shabaab ayaa sii laba jibaaray weerarada tooska ah iyo qaraxyada ay ka fuliyaan xarumaha Dowladda,waxaana ugu dambeeyay weerarkii lagu qaaday xarunta Gobolka banaadir.

LEAVE A REPLY