XOG: Al-Shabaab oo wax ka bedelay Xeeladooda Qaraxyada & dilalka ugu fulin...

XOG: Al-Shabaab oo wax ka bedelay Xeeladooda Qaraxyada & dilalka ugu fulin jireen Muqdisho

0
SHARE

Saraakiisha ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay Al-Shabaab dib u soo celiyeen mid kamid ah istiraatiijiyadii ay adeegsan jireen dhowr sano ka hor, taas oo ay ku geysan jireen qaraxyada magaalada Muqdisho. Advertisement

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in Al-Shabaab markii ay magaalada Muqdisho soo gelin waayeen gaadiidka qaraxyada iyo ciidamada hubeysan ay bilaabeen in ay dib usoo celiyeen qorshihii ahaa in xafiisayda dowladda iyo xarunaha ciidamada galaan qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Golaha wasiirada, baarlamaanka, hey’adah garsoorka, iyo xafiisyada hey’adaha amaanka ayaa lagu wargeliyay in ay iska ilaaliyaan dadka aan la aqoon iyo xitaa shaqaalaha qaar, oo  dhici karto in loo adeegsado weerarada Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in lagu wargeliyay dhamaan masuuliyiinta dowladda iyo kuwa ciidamada in ay dib u eegis ku sameeyaan dadka ay ku kalsoonaadeen ee la shaqeeya iyo kuwa ka soo agdhawaan kara xafiisyada muhiimka ah. Advertisement

Al-Shabaab ayaa sanadihii dambe joojiyay weerarada loo adeegsado qaraxyada qof lagu soo xiray ee gala xafiisyada dowladda sidii dhacday dhowr jeer, waxaana la sheegay in ay hadda dib usoo celiyeen qorshahaasi.

Hore ayey qaraxyada sidaan oo kale ah waxay ka fuliyeen guriga wasiirkii arimaha gudaha Soomaaliya Cabdishakuur Macalim Xasan ee xukuumaddii ra’iisul Farmaajo oo hadda madaxweyne ah, weerarkii Tiyaatartka Qaranka oo uu ku sugnaa Cabdiwali Gaas oo ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, weerarkii xarunta gobalka Banaadir ee 24kii bishii hore dhacay, waxaana ugu dambeeyay haweeneydii khamiistii lagu toogtay Baardheere ee damacsaneed in ay isku qarxiso saldhig ciidan oo ku yaala degmadaasi

LEAVE A REPLY