Xog Culus Galmudug Yaa mudan in Madaxweyne ay ka Noqoto Ceyr mise...

Xog Culus Galmudug Yaa mudan in Madaxweyne ay ka Noqoto Ceyr mise Saleeman
0

SHARE

HM_Xafiiska Gaalkacyo : sida la wada ogsoon yahay deganada galmduug waxa ka bilaaban doona Doorashada Madaxweyanha Galmudug taasi oo sanadkan xiiso gaar ah leh madama sanadkan galmudug ay ku biireen beelo badan oo ka tirsan gobalada mudug iyo galgaduud

dad badan oo falanqeeya siyaasada arimaha galmudug ayaa baaris badna ku sameeyay cida u qalanta sanadkan in ay hogaamiso galmudug waxana dadka siyaasada falanqeeya ay ku sababeeyeen dhawr arimood

1: Mideynta Beelaha Galmudug oo loo arkay in ay muhiimad gaar ah ay u leedahay in Galmudug loo wada dhan yahay la dhiso waxana arintan ay muhimadeeda tahay mid laga maarmaan u ah deganada galmudug

2: go,aanadii ay qaateen beesha reer xaji saleeman markii Madaxweynihii Hore ee Galmudug C.karin gulled la dooranayay iyo tanaasulkii ay sameeyen beeshaasi aya loo fasiran kara in ay sanadkan beeshaasi ay xaq u leeyihiin in galmudug ay hogaamiyaan madama beesha saleemaan ay horay ugu tanaasuleen Beesha Sacad Habargidir ee Galmudug

3:Xal u Helida Galmudug oo Midaysan ayaa Muhiim ah in Beesha dagta Cadaado ay Hogaamiso Galmudug madama Dhuusamareeb iyadoo ay horay u maqnayd maamulka Galmudug uu ka ciyaarayay dawr muhiim ah siyaasada Soomaliya

Arimahan oo aad loo falanqeyay iyo kuwa Galmudug aya dadka siyaasada falanqeeya ay u arkayan in sanadkan beeshaasi loo daayo hogaamnta Maamulka Galmudug ,

inkastoo Beesha Ceyr ay sameysay Tanaasul badan hadana Sida horay beelihi horey u dhistay Galmudug ay ku Heshiiyeen aya aha in kadib marka qofka haya talaada galmdug ee ka imaan doona beesha sacad Habargidir uu talada dhamaysto in uu xilka qaban dooono Qof ka soo jeeda degaan ahaan Degaanka Cadado waana Balamo horay u wada Galeen Beelaha Sacad iyo Saleemaan xiligaasi oo beesha saleeman ay ka tanaasuleen maamulkii la oran jiray Xibin iyo Xeeb , waxayna xiligaasi aqbaleen in la wada Dhisto Maamul loo wada dhan yahay kaaasi oo xiligaasi loo bixiyay Galmudug

Qaabka ay wax u wado Dowlada dhexe iyo Gudiyada dib u Heshisiinta Beelaha galmdug ee Dowlada ay wado kuma Qanacsana beelaha Sacad iyo Saleeman waxayna taasi ay tahay Nasiib daro kale madama Xiligan wali Dowlada dhxe ay gacmaha kula jirto Siyaasada Hoose ee Galmudug , madama ay ku wacnayd in dadka deganka loo daayo shirarka beelaha oo iyagu ay ka tashtaan ayaha Maamulka Galmudug

Sikastaba Galmudug Cida Hogaamin doonta aya loogu baaqay in aysan ka Shidaal qaadan Dowlada dhexe taasi oo dhib ku ah madax Baanida Siyaasada Galmudug iyo in bulshada Galmudug ay soo Doortaan Shaqsi ay u Arkaan in uu Hogaamin karo Galmudug

W.Q. Suldaan Mohamed Nuur Ali

Wadanka Austria – Vienna

LEAVE A REPLY