Akhriso ;-Muran ka taagan dalacsiinta Ciidamada Ahlu suna & MW Farmaajo oo...

Akhriso ;-Muran ka taagan dalacsiinta Ciidamada Ahlu suna & MW Farmaajo oo eex lagu eedeeyay

0
SHARE

Kulan uu Taliyaha qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga, Cabdicasiis Cabdulaahi cabdi “Qooje”  uu maanta  la qaatay saraakiisha ka tirsan qaybta ayaa looga hadlay wadashaqeynta taliska, iyo dardar gelinta qorshaha Al-shabaab looga saarayo  deegannada Galmudug. Saraakiisha qeybta 21-aad ee kulanka ka qayb galay oo taliyaha cusub ee qaybta ugu hambalyeeyey xilka, ayaa ballan qaaday in ay kala shaqeyn doonaan ka guul gaaridda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.Advertisement

Saraakiisha ayaa u mahadceliayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo dhammaan cid kasta oo gacan ka geysatay isku dhafka ciidanka.

Dhanka kale, waxaa khilaaf ka taagan qaabka darajooyinka looga taxay Taliska qeybta 21-aad gaar ahaan Saraakiishii dhowaan loo dalacsiiyay Ahlusuna.

Taliyihii Qeybta 21aad oo uu ka darajo sareeyo Taliye Guuto oo ka tirsan qeybtiisa, Abaanduule Captain oo ka sarreeyo Jeneraal.Advertisement

1- G/sare Qooje Dagaari Taliyaha Qeybta 21aad

2- Jeneraal Mascuud Taliyaha Guutada 15aad ee qeybta 21aadAdvertisement

3- Abaanduulaha Qeybta 21aad oo ah Captain

LEAVE A REPLY