Xog Culus: Qorshe Xukun adag loogu ridayo Odayaashii u tegay Al-Shabaab oo...

Xog Culus: Qorshe Xukun adag loogu ridayo Odayaashii u tegay Al-Shabaab oo socda Galmdug

0
SHARE

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta Galmudug ayaa digniin adag u diray Odayaal ka baxay deganaada maamulka Galmudug oo Al-Shabaab ay kusoo bandhigeen degaanada ay maamulaan. Advertisement

Taliyaha cusub ee Qeybta 21aad Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje ayaa sheegay in Ciidanka xoogga dalka ay tilaabo qaadi doonaan Odayaashaasi hadii ay dib ugu soo laabtaan degaanada maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in aysan dhicin karin  in Waxgarad Al-Shabaab ay heshiis la garaan xilli Ciidanka xoogga dalka ay dagaal kula jiraan Xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan degaanada maamulka Galmudug.

Qooje taliyaha Ciidanka Qeybta 21aad  ayaa sidoo kale xusay in ay u diyaar garoobeen dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo laga bilaabi doono degaanada ay kaga sugan yihiin Mudug iyo Galgaduud. Advertisement

Hadalka taliyaha ayaa yimid ka dib markii Al-Shabaab degaanada ay maamulaan ay kusoo bandhigeen odayaal ay ku sheegeen in ay yihiin kuwii soo xulay xildhibaanada Golaha Shacabka oo Towbad Keenay.

LEAVE A REPLY