XOG: Dhaawaca Cali Dheere oo lagala cararay deegaankii lagu hayay & Ciidanka...

XOG: Dhaawaca Cali Dheere oo lagala cararay deegaankii lagu hayay & Ciidanka DF oo ku raad jooga

0
SHARE

Taliyaha Ciidamada Lugta ee Dowladda Soomaaliya Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Al-Shabaab ay deegaanka Kunturwaareey ka saareen dhaawaca Af-hayeenka Al-Shabaab Sheikh Cali Maxamuud (Cali Dheere).Advertisement

Af-hayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa ku dhaawacmay dagaal 11-kii bishan Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda ku dhexmaray deegaanka Shaam oo u dhaxeeya Barriire iyo Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha,dagaalkaasi oo dhaawac culus ka soo gaaray Cali Dheere ka dibna deegaanka Kunturwaareey loo qaaday si loola tacaalo.

Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab kala carareen dhaawaca Cali Dheere deegaankaasi ka dib markii ay ka war heleen in Ciidamada Dowladda deegaankaasi ku wajahan yihiin.

Sidoo kale, Generaal Odawaa ayaa tilmaamay in nolosha horjoogahaasi Al-Shabaab ay garaab tahay,islamarkaana hadda ay ku daba jiraan gacantana ay ku soo dhigayaan.Advertisement

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa howlgal waxay ka wadaan deegaano iyo degmooyinka ka tirsan Gobolka Shabeellaha oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY