XOG: Ganacsatada Dekadda Muqdisho oo qaati ka taagan qaadista Canshuuurta Al-Shabaab

Xarakada Al-Shabaab ayaa aad magaalada Muqdisho ugu soo dhoweysay xarunta ay canshuurta uga qaaddo ganacsatada dekedda magaalada Muqdisho, sida baaritaan lagu ogaaday.Advertisement

Ganacsatadan oo markii horre loogu yeeri jiray lacagtana looga qaadi jiray deegaanka Mubarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa hadda lacagta looga qaadaa deegaanka Ceelsha Biyaha oo aad ugu dhow Muqdisho.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta Al-Shabaab u bedeshay xaruntii canshuur qaadista, hase yeeshee waxaa loo badinayaa inay ugu wacan tahay ciidamada dowladda oo qabsaday deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan Awdheegle, sidaas darteedna ay soo gashay cabsi ah in dowladda kusoo socoto Mubaarak.

Tobaneeyo ka mid ah ganacstada dekedda Muqdisho ayaa talaadadii la isugu geeyey quracyo ku yaalla banaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo lacagta looga qaaday, sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah gacanstada halkaas tagtay ee lacagta bixiyey, balse codsaday inaan magacyadooda la shaacin.Advertisement

Dowladda Soomnaaliya ayaa u muuqatay inay arrintan ka war-haysay, waxaana dhammaan dadweynaya baabuurta looga dejinayey laguna baarayey Siinka Dheer, ayaga oo la weydiinayey inay wadaan lacag dollar ah iyo in kale iyo inay u socdaan inay canshuur soo bixinayaan iyo in kale.

Si kastaba, inta badan dadka ayaa la iska sii daynayey ayada oo ay adkeyd in lagu caddeeyo inay u socdaan canshuur bixin, islamarkaana ganacsatada badankood ay lacagaha ku bixinayeen siyaabo kale, sida taleefon lagu tuuro ama account bank ay toos ugu shubayeen. Qaar ka mid ah ganacstada ayaa sidoo kale halkaas u tagayey kaliya inay soo qaataan go’aanka inta ay la egtahay lacagta laga rabo kadibna dib ka bixinayaan.Advertisement

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Ganacstada ayaa waxaa laga qaadayey lacag kala ah 100 iyo 160 dollar halkii konteenar ee dekedda uga soo dega. Konteenarada yaryar ayaa waxaa laga qaadayey 100 dollar midkiiba, halka kuwa waa weyn lagu soo rogay 160 dollar.

Ganacstada ayaa sidoo kale lagu qasbay inay bixiyaan dhammana canshuurta konteenaradii usoo degay afartii bil ee lasoo dhaafay oo kasoo billaabata bishii April. Ma cadda sababta, Al-Shabaab u qaadatay go’aanka ah in la bixiyo canshuurta afarta bil.

Ganacstada ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay u muuqatay inay haysay xogta dhammaan tirada konteenar ee usoo degay, sidaas darteedna ay badankood ka cabsadeen inay been sheegaan.

“Mar ayaan isku dayey inaan iraahdo waxaa isoo degay kaliya 4 konteenaro aniga oo is-leh hal meesha ka saar, balse qofkii canshuurta qaadayey ayaa igu yiri, waxaa lagu laabanaa diiwaanka, haddaa been sheegto iska jir” ayuu yiri nin ganacsade ah.

Ilaa iyo hadda ma cadda sida Shabaab ku hesho alaabta kasoo degto dekedda Muqdisho. Inkasta oo dadka qaar rumeysan yihiin in xogta ay bixiyaan shaqaalaha dekedda qaarkood, haddana ganacstada qaar ayaa rumeysan in xogta ay bixiyaan ganacsatada waa weyn ee iska leh ama ay u kireysan yihiin maraakiibta soo qaada konteenarada.

Ganacsatada ayaa lasoo siinayey receipt ama warqad caddeyn u ah inay bixiyeen canshuurta. Waxaana kadib loo sheegayey in haddii ay ka baqayaan dowladda warqadda iska tuuraan oo ay ka qortaa kaliya lambarka, si marka la weydiiyo inay lacagta bixiyeen iyo in kale ay caddeyn ugu noqoto.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sanadihii dhowaa aad sare ugu qaadday dakhliga kasoo gala magaalada Muqdisho, waxaana adkaan doonta in laga adkaado inta ay sidan lacag ugu soo galeyso.

hobyomedia

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

(Sawiro+Faah-Faahin Dab Qasaare Hantiyeed Gaystay Oo Qabsaday Mid Ka Mid ah Dhismayaasha Ugu Caansan Dhanka Gaalkacyo ee Galmudug
- Nov 22, 2019
HM__Xafiiska Gaalkacyo :Dab Gaystay Khasaare Hantiyeed Ayaa Saqdii dhexe Ee Xalay Abaaro 12:45 ...
Akhriso QM oo war Culus ka soo Saartaz Khilaafka u dhaxeya Dowlada Somaliya iyo Maamul Gobaleedyada
- Nov 22, 2019
Wakiilka Gaarka ah ee Qaramaada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo khudbad u jeedinaayay ...
DEG DEG: Kulankii Muxaadarada uu Sheikh Umul ku qaban lahaa Muqdisho oo baaqday + Sababta
- Nov 22, 2019
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay inuu baaqday ...
Natiijooyin hordhac ah oo laga helayo baaritaanka xabadii dishay Elmas Elman
- Nov 22, 2019
Waxaa soo baxaya natiijooyin hordhac ah oo ku saabsan halka ay ka timid xabadii ...
Dowlad ka tirsan Yurub oo dayuurad gargaar sida ka soo dejisay Muqdisho (Sawirro)
- Nov 22, 2019
Diyaarad weyn oo sida gargaar loogu tala galay dadka fatahaadaha iyo daadadka roobku ku ...
Akhriso Qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Ururu oo aan dhaqangelin
- Nov 21, 2019
Todobo maalmood kaddib heshiiskii Magalaada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ...
Akhriso Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qabanayo Garoon kuyaala Muqdisho oo laga soo horjeestay
- Nov 21, 2019
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ku sugan Wadaadka Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh ...
SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarun dib loo howlgeliyey
- Nov 21, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ...
Daawo Qaar ka mida Dadkii ka danbeyay Dilkii Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo dil lGU Xukumay
- Nov 21, 2019
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay ...
Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen
- Nov 21, 2019
Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal milatari ...
 
Advertisements