XOG: Wasiir awood leh oo ka baxay garabka Axmed Madoobe & halista...

XOG: Wasiir awood leh oo ka baxay garabka Axmed Madoobe & halista ololihiisa doorashada

0
SHARE

Wararka naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya inuu si xowli ah ku socdo ololaha doorashada Madaxtinimada Jubbaland,iyadoo ay jiraan caqabado badan oo horyaala.Advertisement

Waxaa la soo sheegayaa inuu Khilaaf soo kala dhex galay madaxweynaha Maamulka Axmed Madoobe Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Jannan),kaasi oo salka ku haayo arrimaha doorashada Jubbaland.

Khilaafka ayaa ka soo bilowday Guddoomiyaha guddiga doorashada Jubbaland iyo ku-xigeenkiisa oo ay kala keensadeen Axmed Madoobe iyo Wasiir C/rashiid Jannan,waxayna isku khilaafeen hab maamulka doorashada iyo qodobo ka mid ah dastuurka u qoran.

Waxaa socda dadaalo arrintaan lagu xalinayo,waxaana la ogyahay in Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur ay saaxiibo dhow yihiin madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.Advertisement

Wasiir C/rashiid ayaa Axmed Madoobe dartiis waxay isku khilaafeen qaar ka mid ah Waxgaradka deegaanka uu ka soo jeedo ee Gobolka Gedo,isagoona taageero buuxda siiya  Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland.

Doorasho aan la saadaalin karin natiijada ka soo bixi doonta ayaa lagu wadaa iney ka dhacdo magaalada Kismaayo dhammaadka bishan Agoosto.

LEAVE A REPLY