Xogta ku sabsan Ciidamo Boolis iyo Nabad Sugid ah oo ku dagaalamay...

Xogta ku sabsan Ciidamo Boolis iyo Nabad Sugid ah oo ku dagaalamay xarunta shirka dib u heshiisiinta Dhuusa-Mareeb.

0
SHARE

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusa-Mareeb ee Caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in shalay halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamo Boolis iyo Nabad Sugid ah, kaasoo baqdin ku beeray dadkii Shacabka ahaa.

Dagaalka waxa uu si rasmi ah uga dhacay hoolka Shirkole oo ah goobta uu ka dhacayo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaanada Galmudug, iyadoo goobtaasi ay tahay meel amnigeeda si aad ah loo ilaaliyo.

Qaar kamid ah dadka ku sugan magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa Mustaqbal u sheegay in Ciidamo Boolis ah oo ka carooday in shaqadoodii laga hor istaago Haween shaqooyin hoose ka qaban jiray xarunta ay weerarka qaadeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado kooban socday.

lama oga inuu jiro wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalka, maadaama goobta ay isku gedaameen Ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlu-Suna, iyadoo dadka magaalada Caawa ay hadal hayaan dagaalkii Caasimadda Galmudug.

Saraakiil ka tirsan Galmudug iyo xubno dowladda ah oo ay wehliyaan Guddiga shirka dib u heshiisiinta ayaa la soo sheegayaa iney durba ku bexeen dirirta, kuwaasoo isku dayaya sidii ay xal uga gaari lahaayeen xiisada gacan ka hadalka isku rogtay markii danbe.

Maanta oo la fillaayay in shirweynaha Dib u heshiisiinta ka furmo Magaalada Dhuusamareeb ayuu markii labaad dib u dhac ku yimid, sababo ku aadan Ergooyinka oo aan soo wada gaarin Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY