Akhriso Ahlu Suna oo Waji cusub lasoo baxda iyo Shuruudo ay ku...

Akhriso Ahlu Suna oo Waji cusub lasoo baxda iyo Shuruudo ay ku xireen Doorashada Galmudug

0
SHARE

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in kooxda Ahlu Suna ay lasoo baxeen shuruudo dhowr ah oo ku aadan doorashada maamulka Galmudug oo dhawaan la filayo in ay dhacdo.

Kooxda Ahlu Suna ayaa wadahadal dheer kadib loo ogolaaday in Xildhibaano badan ku yeelato Baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug, waxa ayna hada kooxda dooneysaa in la siiyo xilal kale.

Sida aan Wararka ku heleyno kooxda Ahlu Suna ayaa masuuliyiinta dowlada ee ku sugan magaalada Dhuusomareeb hor dhigtay in la siiyo inta badan xubnaha guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug.

Kooxda Ahlu Suna ayaa dooneysa in iyadu maamusho doorashada guud ee Galmudug ayna dhankeeda ka yimaadaan xubnaha qaban qaabinaya doorasha Xildhibaanada cusub ee maamulka Gamudug yeelanayo.

Masuuliyiinta dowlada uu ugu horeeyo Wasiirka arimaha Gudaha ayaa ka biyo diidan in Ahlu Suna gacanta loo galiyo guddiga maamulaya doorashada, waxa ayna Masuuliyiinta dowlada doonayaan in iyadu dhankooda ka yimaadaan guddiga doorashada.

Magaalada Dhuusomareeb waxaa hada ka socda wadahadalo ay leeyihiin Hogaanka Ahlu Sunna iyo masuuliyiinta dowlada ee ku sugan Dhuusomareeb, waxaana wadahadalada xal looga gaarayaa shuruudaha ay la timid Ahlu Sunna.

Kooxda Ahlu Sunna ayaa waji cusub oo siyaasadeed lasoo baxday tan iyo markii laga wareejiyay amaanka Dhuusomareeb, waxa ayna Ahlu Suna dooneysa in saameyn badan ku yeelato maamulka cusub ee loo dhisayo Galmudug.

LEAVE A REPLY