Al-Shabaab oo joojiyay dhismaha garoonka kubada Cagta ee Stadio Muqdisho

Al-Shabaab oo joojiyay dhismaha garoonka kubada Cagta ee Stadio Muqdisho

0
SHARE

Sida la sheegay Waxaa hakad uu ku yimid dhismaha lagu waday tuulada cayaaraha ee magaalada muqdisho ka dib markii Al Shabaab ay joojiyeen sida la tilmaamay shaqadii ka socotay garoonka.

Dad xog ogaal ah ayaa shaaciyay in al shabaab ay la xiriireen dhammaan shaqaalaha dhisayay garoonka ku badda cagta ee stadio muqdisho iyaga oo ku amray inay ka haraan dhismaha garoonka.

Sidaa ayaa lagu sheegay in lagu joojiyay dhismaha kasocday tuulada cayaaraha ee muqdisho islamarkaana shaqaalihii dhisayay ay iskaga tageen dhismaha garoonka.

Tan iyo markii gacanta dowladda lagu soo celiyay garoonka stadio muqdisho ayaa waxa ay waday dedaallo lagu dhisayo garoonka si loogu qabto cayaarihii kala duwanaa ee garoonka uu ku caan baxay.

Ma jirto illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda soomaaliya ee ku aaddan dhismaha kasocday garoonka stadio muqdosho oo lagu sheegay in al shabaab ay joojiyeen.

Blse waxaa la sheegayay muddooyinkii dambe in heer gabo gabo ah uu marayay dhismaha garoonka ka socday blse hadda uu noqday hal bacaad lagu lis.

LEAVE A REPLY