Amar Culus Uu Ra’iisal Wasaare Kheyre Hordhigay Ciidankii Ahlusuna Ee La Qarameeyey

Amar Culus Uu Ra’iisal Wasaare Kheyre Hordhigay Ciidankii Ahlusuna Ee La Qarameeyey

0
SHARE

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu amar culus dul dhigay Askartii Ciidanka Ahlusuna katirsanaa,islamarkaana ay ka tanaasulaan udoodida iyo difaaca Ahlusuna.Advertisement

Waxa uu Khudbadaas ka jeediyey Xerada Tababarka Ee Haramacad la yiraahdo Ee Booliska laga qaaday Muqdisho iyo kuwii Ahlusuna la sheegay in la isku biiriyey.

Ciidankaas ayaa loogu talo galay sugida Amniga Magaalada Dhuuso mareeb oo shirka dib uheshiisinta maanta uu ka furmi doono.

“Waxaad noqoteen ciidan la qarameeyey,waxaad kasoo baxdeen Urur,ma ahan inaad weli sii ahaataan kuwo Dawlada iyo Ahlusuna kawada tirsanaada,ogaada xilligaan wixii ka bilowda waxaa la rabaa inaad waajibka la idinku leeyahay gudataan,mana aqbaleyno Arimaha qaar ayuu si kulul u yiri R/wasaare Kheyre”.Advertisement

Wasiirka 1aad Ee Soomaaliya Mudane Xasan Kheyre waxa uu sheegay inay ciidanka Ahlusuna ay qarameeyeen sidaa awgeed ay huwan yihiin Shaar Dawladeed sidaa awgeedna aysan ogolaan doonin inay Ahlusuna difaacaan oo ay dhiilo colaadeed abuuraan.

Ahlusuna ayaa ciidankoodii bishii July Ee Sanadkaan waxay  ku wareejiyeen Dawlada Federaalka Soomaaliya,islamarkaana aysan raali ka noqon doonin labo bogleyn in lagu sameeyo.

LEAVE A REPLY