Aqri maxa ka jira in Ilaaladda wasiirka Amniga DFS oo Dhuusamareeb “ku...

Aqri maxa ka jira in Ilaaladda wasiirka Amniga DFS oo Dhuusamareeb “ku kufsadey” gabar da’yar ah?

0
SHARE

Macluumaadyo aad loogu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ilaaladda Wasiirka Amniga Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow Ducaale ay magaaladda Dhuusamareeb ku faroxumeeyeen gabar 12-sano jir ah.Advertisement

Falkan oo habeenimadii Talaadada ee todobaadkan ka dhacay caasimadda Galmudug ayaa soo shaac-baxay maanta oo Arbac ah ka gedaal markii qoyska dhibanaha ay u tageen wasiirka amniga xukuumadda.

Xogta ayaa intaasi ku dareysa in askarta ay isku dayeen in ay khaarijiyaan gabadha balse ay si dirqi ah uga baxsatay, wallow ay kala kulantay jirdil xoogan oo jirkeeda qeybo kamid ah aad looga dareemayo.

Wararka ayaa tilmaamaya in reerka uu dalbadey in cadaaladda lasoo taago, waxaana wada hadal la galay ugu dambeyntii la isku raacay in si hoose loo dhameeyo arrintan, ayna qaataan qoyska lacago.Advertisement

Sikastaba ha ahaatee, dhacdadan oo noqontay mid naadir iyo dhif ah ayaa waxaa hadalheyn xoogan ay ka dhex-abuurtay gudaha magaaladda Dhuusamareeb, iyada oo laga bixinayo aragtiyo kala duwan.

LEAVE A REPLY