Ciidanka Dawlada Oo Deegaano Hor Leh Kala wareegay Al Shabaab

Ciidanka Dawlada Oo Deegaano Hor Leh Kala wareegay Al Shabaab

0
SHARE

Sida ay baahisey Warbaahinta Codka Dawlada Soomaaliya ku hadasha waxay ciidanka Xoogga dalka ay weerar ku qaadeen Deegaano ay kusugnaayeen Ururka Al Shabaab.Advertisement

Waxay Ciidanku sheegeen inay Al Shabaab ka saareen Deegaano dhaca Xadka ay wadaagaan Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe.

Dagaal ayaa dhacay kooban balse khasaaraha lama oga marka laga reebo inay sheegtay in Al shabaab laga laayey xubno katirsan.

Deegaanada lala wareegay ayaa waxaa ka mid ah Kaxarey,Busley iyo Tuulooyin ku dhaw,iyadoo Taliyaha Ururka 35aad, guutada 7aad, qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka, Korneel Cali Cabdullaahi Caraaye (Foofoo) ayaa sheegay in guulo ka gaareen gulufka ay qaadeen.Advertisement

Ciidanka Dawlada Soomaaliya ayaa maalmihii dambe waxay wadeen howlgalo ay Al shabaab kaga saarayaan deegaanada ay ka joogaan Gobollada Dalka.

LEAVE A REPLY