Daawo Madaxweynaha hirshabelle oo baladweyn kula kulmay saraakiil ciidan oo ka yimid...

Daawo Madaxweynaha hirshabelle oo baladweyn kula kulmay saraakiil ciidan oo ka yimid dhuusamareeb

0
SHARE

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Baladweyne xalay kula kulmay saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan  Qeybta 21aad oo xalay gaaray magaaladaasi.

Saraakiishan iyo ciidamo badan oo ay hogaaminayeen oo ka tagay magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel ayaa lagu soo dhaweeyay Baladweyne, waxaana ujeedka ciidankan lagu sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan howlgalo ka shan ah Al Shabaab.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay magaalada Baladweyne kusoo dhaweeyay kulana kula qaatay saraakiisha hogaamineysay ciidanka gaaray magaalada Baladweyne.

Waare iyo Saraakiisha ayaa kawada hadlay arimo badan ay kamid ahaayeen sidii ciidanka iyo maamulka isaga kaashan lahaayeen howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee la filayo in ay ka bilowdaan gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY