Daawo sawirada:-Ciidamo ka baxay Dhuusamareeb oo gaaray B/Weyne & Xog ku aadan...

Daawo sawirada:-Ciidamo ka baxay Dhuusamareeb oo gaaray B/Weyne & Xog ku aadan ujeedkooda

0
SHARE

Cutubyo ka tirsan taliska Qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka dhaqaaqay Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa caawa gaaray magaalada Belad-weyne ee Xarunta gobolka Hiiraan halkaasoo fariisin u ah qaybta 27aad ee Ciidamada Xoogga Dalka.

Saraakiil Sare oo ka tirsan Qeybta 21aad oo uu hogaaminayo taliyahooda C/Casiis C/llaahi (Qooje) ayna wehliyaan taliyaha Guutada 13aad G/lle C/raxmaan Moalim (Timadhere), taliyaha Guutada 15-aad General Mascuud Maxamed iyo Taliyaha Ururka 21aad ee DANAB G/lle Mukhtaar Abdulle ayaa taliska qeybta 27aad kala arinsanaya sidii la iskaga kaashan lahaa dagaalka Al-shabaab.

Ciidamadan caawa gaaray Beladweyne ayaa qeyb ka noqonaya Howlgal balaaran oo dhowaan lagu wajahayo Degaanada Al-shabaab ka joogto Galmudug iyo Hirshabelle sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka.

“Waxaa bilaabanaya qorshaha isku xirka qeybaha Xoogga dalka kaasoo saldhig u ah nidaamka ciidan ee fududeynaya in la fuliyo Howlgalo Dhameystiran oo dhabarka ka jebin doona Dhagarta cadowga Al-Shabaab” ayuu yiri taliyaha qeybta 21aad.

Al-shabaab ayaa maamulo degmooyin iyo degaano badan oo ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaasoo qaarkood ay gacanta ku hayaan muddo dheer oo ka badan 10 sano.

LEAVE A REPLY