Daawo wafdi ka socda beelweynta habargidir ,socdaalna ku maraya mudug iyo galgaduud...

Daawo wafdi ka socda beelweynta habargidir ,socdaalna ku maraya mudug iyo galgaduud oo gaaray degmada wasil

0
SHARE

Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha beesha habargidir iyo xubno kle oo ka socda beelweynta habargidir ayaa gaaray degmada wasil ee gobalka mudug waxaana wafdigan safar dhulka ah ay uga yimaadeeen magaalada hobyo

Prof cabdulqadir shirwac oo ah gudoomiyaha beelweynta habargidir ayaa hogaaminaya wafdigan waxaaana wafdigan ay safar ku marayaan gobalada mudug iyo galgaduud

Duleedka degmada wasil waxaa wafdiga uga hortagay boqolaal ka tirsan shacabka degmadaasi , odayaal iyo sidoo kle waxgaradka degaankaasi

Wafdiga oo la hadlay bulshadii ka qayb galay soo dhawayntooda ayaa ugu mhd celiyay sida diiran ay u soo dhaweeyeen

Prof shirwac ayaa odayaaasha degankaasi ugu mhd celiyay kaalinta ay ugu jiraan midnimada iyo wadajirka beelweynta habargidir

Wafdiga oo safar ku mari doona gobalada mudug iyo galgaduud ayaa la qorsheynaya in deganada ay marayaan bulshada ku nool ay kla hadli doonaan xoojinta nabada iyo sidoo kle dhaqangalinta heshiisyadii dhaxmaray beelweynta habargidir

LEAVE A REPLY