Dad Ku Dhamaaday Qaraxii Ismiidaaminta ee Maanta ka Dhacay Muqdisho & Wararkii...

Dad Ku Dhamaaday Qaraxii Ismiidaaminta ee Maanta ka Dhacay Muqdisho & Wararkii Udambeeyey [SAWIRRO]

0
SHARE

Wararkii ugu dambeeyey Ee naga soo gaaraya Isgoyska Ex Control Afgooye ayaa sheegaya in Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Halkaasi maanta barqadii uu geystay khasaaro kala duwan.Advertisement

Gaari Nooho ah ayaa la sheegay inuu qarxay,waxaana jira Shacab ku le’day oo baabuur BL ah,Bajaaj iyo Goobo ganacsi ku sugnaa.

Wadada waxay aheyd mid mashquul badan ka jiray marka uu qaraxa dhacayey,waxaana tiro sugan weli la helin.

Sawirro laga soo qaaday meesha waxaa la arkayey Gaadiid gubtay oo dadkii saarnaa qaarkood ay noqdeen kuwo jirkooda gubtay.Advertisement

Ciidamada amniga ayaa waxay xireen isku socodka Isgoyska Ex Control Afgooye oo ka mid ah meelaha laga ilaaliyo Caasimada oo bar koontarool ciidanka Amniga ku leeyihiin.

LEAVE A REPLY