Deg Deg :Heegan La Geliyey Ciidanka Ahlusuna maxaa soo kordhay?

Deg Deg :Heegan La Geliyey Ciidanka Ahlusuna maxaa soo kordhay?

0
SHARE

Culimaa’udiinka Ahlusunada Gobollada Dhexe ayaa mar kale ka hor yimid oo is hortaagna ku sameeyeen Qorshe Dawlada Federaalka ka laheyd Magaalada Guriceel Ee Gobolka Gal gaduud.Advertisement

Ilo madax banaan ayaa sheegaya in Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo ah Gudoomiyaha Guud Ee Ahlusuna ayaa sheegay inaysan raali ka noqon doonin Guriceel sida ciidanka loogu dal dalay Dhuuso mareeb halkaasi laga dhigo.

Kadib kulankii ka dhacay Magaalada Dhuuso mareeb Habeen ka hor ayaa Ahlusuna waxay Madaxweyne Farmaajo usheegeen inaysan ogolaan doonin ciidan la sheegay inay Boolis yihiin oo la geynayo Magaalada Guriceel.

Ciidanka Daacada u ah Ahlusuna ee kusugan Matabaan iyo Guriceel ayaa galay heegan culus islamarkaana waxay ka biyo diideen in mar kale la dego oo sidii looga hoos bixiyey Dhuuso mareeb ay deegaanada kale Dawlada uga gacan bixiso.Advertisement

Waa mid ka mid ah Buqcadaha ay Ahlusuna Tiirkooda adag yahay Guriceel waxaana ay ka fekirayaan in Mustaqbalka ay Galmudug Caasimad uga dhigaan.

Ahlusuna oo waayihii dambe Siyaasada Dalka kasoo dhex muuqday waxay galaan gal ku leeyihiin jiritaanka Galmudug sidaa awgeedna waxay la gor gortamaan Dawlada Dalka ka jirta.

LEAVE A REPLY