Deg Deg qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho

Deg Deg qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho

0
SHARE

HM__Xafiiska Muqdisho;- warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay Kaalin Shidaal oo ku dhow xabisga dhexe ee Xamar, sida ay xaQiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid gaari lagu soo xiray.

Sida ay ogaatay Caasimada Online gaariga qarxay ayaa waxaa watay Generaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaliyeed oo la sheegay in dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dab xoogan uu qabsaday Kaalinta Shidaalka ee qaraxu ka dhacay.

Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya.

Wixii warar ah oo soo kordha kla soco hobyomedia

LEAVE A REPLY