Gacan Ku dhiigle Baxsad Ka ahaa Oo lagu qabtay Guriceel

Gacan Ku dhiigle Baxsad Ka ahaa Oo lagu qabtay Guriceel

0
SHARE

Ciidamada Amniga Magaalada Guriceel ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu dhawaan dil ka geystay Magaalada B/weyne Ee Gobolka Hiiraan.Advertisement

Gacan ku dhiiglaha ayaa baxsaday kadib dilka,waxaana Laamaha Amniga HirShabelle ay war geliyeen deegaanada iyo maamulada ay wada shaqeynta leeyihiin bal in la qabto gacan ku dhiiglahaasi.

Sargaal uhadlay Taliska Booliska Gobolka Hiiraan waxa uu sheegay in alle mahadiis ay hadda gacan ku dhiiglihii qabteen ciidanka Guriceel jooga oo dhawaan lagu soo wareejin doono,si maxkamad loo horgeeyo.

“Hadii Guriceel lagu hayo oo la qabtay waxay ka dhigan tahay sida inagoo heyna,Dalka Dawladaa ka jirta,hadii uu tego Hargeysa,Boosaaso,Xamar ama Meel kale waa lasoo qabanaa,sidaa waxa yiri Taliyaha uhadlay Ciidamada Amniga B/weyne”.Advertisement

Booliska HirShabelle ayaa waxay sheegeen in Amniga la sugayo oo cutubyadii dhawaan tababarka loogu soo xiray Jowhar ay B/weyne gaareen.

LEAVE A REPLY