Hub Uruursi La dareemayo Gudaha Guriceel Ee Gobolka Galgaduud Wararki ugu danbeyay

Hub Uruursi La dareemayo Gudaha Guriceel Ee Gobolka Galgaduud Wararki ugu danbeyay

0
SHARE

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Guriceel Ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka jirto xiisad ka dhalatay dil ka dhacay Saacado ka hor.Advertisement

Koox Maleehsiyaad ah ayaa waxay dileen nin la sheegay inuu ahaa xoolo dhaqato kana yimid dhanka Degmada balanbal Ee Isla Gobolka Gal gaduud.

Dilkaan ayaa loo sababeeyey mid salka ku haya aano qabiil oo ay beelaha isku hayeen,iyadoo hub uruursi laga dhex dareemayo Guriceel.

Ciidamada Ahlusuna ayaa waxay sheegeen inay baadi goob ugu jiraan Maleeshiyaadka dilka fuliyey,ayna ku baaqayaan in xaalada la dejiyo.Advertisement

Xaafada Gaban ayaa dilka uu ka dhacay waxaana la sheegay in Ehelada ninka la dilay ay sheegeen inay aargudan doonaan.

LEAVE A REPLY