Maamulka Degmada Bajeela Ee Gobolka Mudug oo ka Hadlay Biyo yari iyo...

Maamulka Degmada Bajeela Ee Gobolka Mudug oo ka Hadlay Biyo yari iyo Baad La’aan Haysta 600-Qoys

0
SHARE


Bulshada Ku Nool Deegaano Hoos Taga Degmada Bajeela Koofur Bari Gobolka Mudug Ee Galmudug Ayaa ka cabanaya Dhibaatooyin dhanka nolosha ah oo Xiligaan Haysta Qoysaska Reer Miyiga ah,Gaar ahaan Biyo yari iyo Baad la’aan.

“Xilli Lagu Jiro Jiilaal iyo kulayl daran ayaa si Gaar ah Ugu nugulyihiin Bulshada Xoolo dhaqatada ama reer guuraaga ah ayaa in ka Badan 600-Qoys oo Ku nool Deegaanada Kalasooc iyo Qubbi oo Hoos Taga Degmada Bajeela Koofur bari Gobolka Mudug E Galmudug waxaa haysta dhibaatooyn ay ugu horeeyaan Biyo yari iyo baad la’aan Waana kuwo ubaahan in Gurmad Deg deg ah lala Gaari” Sidaasi waxaa Warbaahinta Mudug24 Usheegay Maxamed Shuuke oo ah Gudoomiyaha Degmada Bajeela Gobolka Mudug Ee Galmudug.

Gudoomiye Shuuke ayaa intaasi Ku daray in Deegaanadaas aysan lahayn Ceel Gacmeed,Mid riig ama matoor oo ay Baraago kaliya ka qodan yihiin Loogna faaideysta Xilliga roobka oo Biyo Galaan,Hadana ay yihiin kuwo Maran Ka Maamulka ahaan ayuu sheegay Gudoomiyaha Bajeela in wixii karaankooda ah la garab taaganyihiin Balse ayaan dabooli Karin culeyska bani’aadamnimo ee ka jira Deegaanada Hoos Taga Degmada Bajeela.

Ugu Danbeyntii Maamulka Degmada Bajeela iyo Wax garadka Deegaanada Baraag Kalasooc Iyo Qubbi ayaa Ugu Baaqay Dawlad Goboleedka Galmudug,Dawladda FS,Ganacsatada Hay’adaha Samafalka iyo Cid Kasta oo Ka damqanaysa Iney Gurmad Deg deg ah la soo gaaraan Bulshada Ku nool Deegaanada Hoos Tagta bajeela

eegobalka mudug

LEAVE A REPLY