Maxaa Hadda Ka Socda Magaalada Dhuuso mareeb Ee Gobolka Gal gaduud?

Maxaa Hadda Ka Socda Magaalada Dhuuso mareeb Ee Gobolka Gal gaduud?

0
SHARE

Maanta waxaa amniga aad loo adkeeyey magaalada dhuuso mareeb Ee Gobolka Gal gaduud halkaasi oo lagu wado inuu ka furmo shirka dib uheshiisiinta Beelaha Galmudug.Advertisement

Ciidamada Booliska ayaa lagu arkayaa inta badan Waddooyinka,waxaana la sheegay in xarunta Shirka uu ka furmayo amnigeeda la xaqiijiyey.

Gudiga Qaban qaabada Shirka waxay sheegayaan in la dhameystiray ilkaaniyaat-kii dhimanaa sidaa awgeedna maanta uu furmayo shirka.

Seddex jeer ayuu shirkaan baaqday oo xilligii loo ballamay ka dib dhacay waxaana taas lagu tilmaamay xalinta beelaha qaar oo sababtay in lagu dhiiran waayo qabashada shirka.Advertisement

Ra’iisal wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kusugan Dhuuso mareeb isaga ayaana furi doona shirka sida lasoo tebiyey.

Waxaa la sugayaa saacadaha soo socda in si rasmi ah shirka ufurmo inkastoo wax kasta isbadeli karaan.

LEAVE A REPLY