War culus ;-Maxay Ku heshiiyeen Farmaajo & Hogaanka Ahlusuna?

War culus ;-Maxay Ku heshiiyeen Farmaajo & Hogaanka Ahlusuna?

0
SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hor inta uusan ka soo amba-bixin magaalo Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb, waxa uu halkaas kulan gaar ah kula yeeshay Culimada hoggaanka u ah Ahlu Sunna, isagoona ku ammaanay doorka samatabixineed ee ay dhabarka u riteen culimada deegaanku.Advertisement

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulankan kula hadlay Sheekh Maxamed Shaakir Cali, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan, Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali (Al-Ashcari) ayaa la wadaagay muhiimadda ay u leedahay aragtidoodu, dadaalkooda iyo waxqabadkoodu dhismaha Galmudug mideysan, horumarsan oo ka tarjumeysa aqoonta iyo kartida reer Galmudug.

Dhankooda, Hoggaanka Ahlu Sunna Wal-jamaacah ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey tan iyo markii uu xilka qabtay, xal u helista khilaafyadii kala duwanaa ee ka jiray Galmudug, waxa ayna soo bandhigeen rajo mugweyn oo ku aaddan hana qaadka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la kulmay Taliyeyaasha Ciidamada dhawaan la qarameeyey ee ku sugan Dhuusamareeb, waxa uuna xusay in dowladdu ay xoogga saartay xaqiijinta xuquuqdooda ciidannimo iyo tayeyntooda, isagoona ku dhiirri geliyey go’aankooda ku saleysan Qarannimada iyo in ay u istaageen difaaca dalkeenna.Advertisement

Madaxweynaha Dalka ayaa Ahlusuna siiyey Tiro Xildhibaano inay helaan 35 inkastoo wax walbo ay is badeli karaan,siyaasaduna ay saacado gudaheed isku rogi karto.

Waxa Macalin Maxamuud iyo Madaxweyne Farmaajo ay muddo hadalo is dhaafsadeen inta kulanka uu socday taas oo ugu dambeyn is afgarad uu dhacay.

LEAVE A REPLY