War culus:-Xildhibaan Mahad Salad oo qarxiyey sirta ka dambeysay dib u dhaca...

War culus:-Xildhibaan Mahad Salad oo qarxiyey sirta ka dambeysay dib u dhaca furitaankii Shirka Dhuusamareeb

0
SHARE

Xildhibaan Mahad Salaad, oo kamid ah mudaneyaasha Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa daboolka ka qaadey sirta ka dambeysay in shalay uu dib u dhaco furitaankii shirka dib u heshiisiinta Galmudug.Advertisement

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayuu mudanaha daboolka uga qaadey in sababta ay tahay wafuuda ku sugan Hobyo ee dooneysay ka qeybgalka furitaanka shirkaasi.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo uu xusay in uu sabab u ahaa baaqashada shirkaasi ayaa waxa uu uga mahad-celiyey in uu fuliyay codsi ay hordhigeen oo ku aadan in illaa iyo Jimcaha dib loogu dhigo shirkaasi.

Maalinta berri oo Jimce ah ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah u furmo shirkaasi, iyadda oo ergadii ku sugneyd Hobyo ay iska xaadiriyeen Dhuusamareeb oo ay taalo gogosha shirka dib u heshiisiinta Galmudug.Advertisement

Hoos ka akhriso qoraalka Mahad Salaad

Gunaanadkii iyo xiritaankii shirkii Nabadda Hobyo kadib waxaan hada soo gaarnay magaalada Dhuusmareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug si aan uga qayb galno furitaan shirka Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug.Advertisement

Waxaan uga mahadcelinaynaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Khayre in uu dib noogu dhigay furitaanka shirka, si shirka Hobyo noogu soo gabangaboobo midka Dhuusamareebna uga wada qayb galno furitaankiisa.

Mahadsanidiin.

Hon. Mahad Salad

LEAVE A REPLY