XOG: Ahlu Sunna oo shuruudo horleh la timid iyo Khayre oo wajahaya...

XOG: Ahlu Sunna oo shuruudo horleh la timid iyo Khayre oo wajahaya cadaadiskii ugu weynaa

0
SHARE

Wararka ka imaanaya magaaladda Dhuusomareeb ayaa sheegaya in maamulka Ahlu Sunna uu hordhigay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya shuruudo horleh.Advertisement

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in shuruudaha horka ah oo ay Ahlu Sunna la timid ay ku aadan tahay dhanka doorashooyinka.

Xogta ayaa intaasi raacineysa in hogaanka ururkan uu socday in iyaga la siiyo soo xulitaanka guddiga doorashooyinka.

Balse, xukuumadda federaalka ayaa waxay kasoo horjeedaa dalabkaasi, waxaana ay wadaa dedaalo ay ku qacineyso maamulkan.Advertisement

Kulamo culus oo ku aadan arrintan ayaa waxay ka socdaan magaaladda, iyadda oo ujeedku yahay sidii loo qaboojin lahaa xiisadda cusub.

Hogaanka Ahlu Sunna ayaa ku adkeystay in iyadda oo aanan xal laga gaarin arrintan aanan la furi doonin shirka dib u heshiisiinta.Advertisement

Shirka ayaa horey dib ugu dhacay saddex jeer, waxaana qorsuhu ahaa in uu maanta furmo mar kale ayuuna dib u dhac uu ku yimid.

Sikastaba ha haaatee, arrintan ayaa waxay cadaadiska kusii kordhin doontaa Khayre iyo Villa Soomaaliya oo u muuqda in ay qarka u saaran yihiin awood ay adeegsadaan.

LEAVE A REPLY