Xog culus Akhriso:-Ujeedka saraakiil ka tirsanaa Ahlu Sunna oo ay DFS u...

Xog culus Akhriso:-Ujeedka saraakiil ka tirsanaa Ahlu Sunna oo ay DFS u dirtay Jabuuti

0
SHARE

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 15-sarkaal oo ka tirsanaa ururka Alhu Sunna waxay tababar ugu qaadey dalka Jabuuti, sidda uu ogaadey warsidaha Warqaad, oo illo lagu kalsoon yahay kasoo xigtay.Advertisement

Saraakiisha oo Talaadadii ka baxay magaaladda Dhuusamareeb ayaa waxay halkaasi kusii qaadan doonan tababaro kala duwan oo ku saabsan dhanka ciidanka iyo qaabka casriga ah ee diiwaangelinta.

Wararka ayaa intaasi raacinaya in tababarka dibadda loogu qaadey xubnahaasi ay qeyb ka tahay heshiis cusub oo ay dhowaan kala saxiixdeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo urur diimeedkaasi.

Dhinaca kale, xogta ayaa intaasi raacineysa in dowladdu saraakiil kale tababar ugu soo dirtay Muqdisho, kuwaasi oo markii uu u soo dhamaado dib ugu laaban doona xarunta maamulka Galmudug.Advertisement

Villa Soomaaliy ayaa dhowaahanba saameyn xoogan ku lahayd degaanadda maamul goboleedkaasi, waxayna gacanta ku haysaa dhamaan howlaha socda sida shirka dib u heshiisiinta iyo doorashadda.

LEAVE A REPLY