Xog Culus Ergadii u dambeesay oo gaartay Dhuusomareeb kadib Shuruud ay la...

Xog Culus Ergadii u dambeesay oo gaartay Dhuusomareeb kadib Shuruud ay la yimaadeen oo la fuliyay

0
SHARE

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug waxaa gaaray ergadii u dambeesay ee ka qeyb galeysa shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaanada Galmudug oo maanta la filayo in si rasmi ah u furmo.

Guddiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug, xildhibaanno iyo wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaxa XFS, ayaa Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Ergada degaanka Xeraale uga qayb galeysa shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug

Nabadoonnada hoggaaminayay Ergada ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahad celiyay sida uu isaga xil saaray in Magaalada Dhuusamareeb ay noqoto goob Dadka dhan u dhexeysa oo lagu qaban karo shir dib-u-heshiisiineed oo looga hadlaya aayaha Galmudug.

Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr Cabdiraxmaan Baaddiyow, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in reer Xeraale ay aqbaleen casuumaadii guddigu u fidiyay kadib  markii la fuliyay shuruuddii ay ku xireen oo aheyd in Dhuusamareeb marka hore laga dhigo magaalo loo simanyahay.

Beesha degta Xeraale oo marar badan colaad dhax martay kooxda Ahlu Sunna ayaa horey u diiday in ay tagaan magaalada Dhuusomareeb inta magaaladaasi ay maamulaan kooxda Ahlu Sunna oo ay tabasho badan ka qabeen.

LEAVE A REPLY