Xog culus;-Qaraxyo soo galey Muqdisho iyo goobaha lagu beegsanayo oo farta lagu...

Xog culus;-Qaraxyo soo galey Muqdisho iyo goobaha lagu beegsanayo oo farta lagu fiiqay

0
SHARE

Macluumaadyo laga helay laamaha ammaanka Soomaaliya gaar ahaan sirdoonka ayaa sheegaya in gaadiid ay ka buuxaan waxyaabo qarxa ay soo galeen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.Advertisement

Baabuurtan oo noocooda lagu sheegay kuwa raaxada ah ayaa waxaa lagu waramayaa in ay kasoo galeen dhinaca waqooyi ee magaala madaxda Soomaaliya, isla markaana ay gaarayaan tobanaan.

Warbixin la dusiyey oo hay’addaha nabad-gelyadda loo diray ayaa muujineysa in ay jirto khatar dhanka amniga ah, lana faray in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah oo ku saabsan hubinta gaadiidka.

Dhinaca kale, shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Muqdisho ayaa dhankooda loo diray digniintan, waxaana la faray in ay taxadaraan marka ay tagayaan gudaha iyo daafaha magaaladda.Advertisement

Iyadda aanan la xaqiijin karin bartilmaameedka, haddana waxaa la sheegayaa in beesigu yahay huteelada, xarumaha dowladda iyo goobaha bulshadu ku kulanto gaar ahaan maqaaxiyadaha.

“Shiishku wuxuu saaran yahay wadada Maka Al Mukarama,” ayaa lagu yiri warbixinta oo loosoo dusiyey Wakaaladda Wararka Warqaad.Advertisement

Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyadda oo ciidamada ammaanka ay dhowaan fashiliyeen qaraxyo gaari oo ka dhacay duleedka iyo gudaha caasimadda, inkasta oo ay khasaaro kasoo gaareen rayid.

LEAVE A REPLY