Xog Haweeney Seygeeda Sabab La Yaab leh ugu dishay magaalada Hobyo &...

Xog Haweeney Seygeeda Sabab La Yaab leh ugu dishay magaalada Hobyo & Gobolka Mudug

0
SHARE

Wararka aan ka heleyno magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi ay Haweeney ku dishay seygeeda.

Falkan naxdinta leh oo dhacay duhurnimadii Maanta ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii Haweeneyda iyo Seeygeedda khilaaf la xirira arrimo qoys soo kala dhex-galay,hayeeshee ay ku dishay qori uu lahaa.

Qof ka mid ah dadka ku nool Magaalada Hobyo ayaa xaqiijiyay dilka Ninkaasi oo Magaciisa lagu sheegay Cali Geeri  kana tirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21aad ee ka howlgasha deegaannada Galmudug.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Haweeneyda dilka geystay ay goobta ka baxsatay,hayeeshee Ciidamada Booliska ee ka howlgalla Magalada Hobyo ay ku raadjoogaan.

Dhacdadaan dilka ah oo ka duwan kuwa horay uga dhici jiray deegaannada gobolka mudug ayaa aad looga naxay, iyada oo Maanta siweyn looga hadal haayo deegaannada Maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY