Xog Qaybta 1aad sababta uu u xirmay isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo ee Galmduug...

Xog Qaybta 1aad sababta uu u xirmay isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo ee Galmduug iyo Cida ka danbeysa in uu xirmo

0
SHARE

Sida aan la Wada Socono Waxaa Mudo 7aad ah xiran isbitaalka Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug oo ahaa isbitaalka kaliya ee daboola Baahiya caafimaad ee lacag la,aanta ah waxana isbitaalka koonfurta Gaalkacyo Adeegiisa ka Faaideysan Jiray Bulshooyin kala duwan oo isaga kala imaan jiray Mudug iyo Galgaduud Waaana isbitaalka Kaliya oo bulshada Gobalka Mudug ay si wadajir ah uga wada Faaideysan jireen
isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug aya hada Mudo 7aad Ah xiran waxaana Jira arimo badan oo sabab u ah in uu xirmo isbitaalka Koonfurta Magalada Gaalkacyo sida ilo Wareedyo muhiim ah oo lagu kalsoon yahay ay u xaqijiyeen warbaahinta Hobyomedia.com Xafiiskeeda Magaalda Gaalkacyo .


Mudo ku dhaw Hal Bil waxa soo jiitamayay Khilaafaad Xoogan oo u Dhaxeeya Ururka Masuulka ka ah isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo ee Galmdudug kaasi oo lagu magacaabo MDO , Maamulka Gobalka Mudug iyo kan degamada Gaalkacyo , Masuuliyinta Wasaaarada Caafimaadka Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo sidoo kale Ha,ada isbitaalka Gacanta ku Haysay
Maxa keenay Khilaafka uu ku xirmay isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo
Sida aan la Wad Socono Mudo sanado badan kadib Ha,adaha Dhaqaatiirta aan Xaduuda lahayn ee MSF ayaa DIb ugu soo Laabtay isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo oo dabooli jiray Baahiyaha bulshada Gobalada Mudug iyo Galgaduud Waxaana markii ay Ha’ada MSF ay ku soo Laabatay isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo waxa soo shaac Baxay khilaafyo u dhaxeya Ururka isbitaalka Ku haya iyo sidoo kale Wasarada Caafimaadka Dowlad Gobaledka Galmudug , Maamulka Gobalka Mudug iyo sidoo kale kale Waxana Dhmaantood ay yihiin kuwo Faaido doon ah , waana sababta keentay in isbitaalkii uu u xirmay Dano gaar ah iyo sidoo Kale Dano Urur.
Wasarada Caafimaadka Galmudug aya Doonaysa in ay dhaqaalo ka hesho Ha’ada isbitaalka Gacanta ku haysa , Halka Ururka MDO oo masuul ka ah isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo ee Galmduug mudo sano badana maamulayay uu doonayo in uu Helo Dhaqaalo taageero gaar ah oo Ururkaasi lagu hormariyo waxana is qab qabsiyo badan oo soo shaac Baxay ay keentay in Hay’ada MSF loo gudbiyo Warbixino ka turjumaya in isbitaalka ay isku haystaan Maamulka Galmudug iyo Ururka MDO]


Maamulka Gobalka Mudg aya asna Doonaya in Dhaqaale uu ka helo hay’ada isbitaalka Maamusho waxana sidoo kale khilaafka dab ku sii shiday Beelo ka mida Beelaha Sacad ee Galmudug oo madaxweyne Xaaf ka soo dhamaystay Qandaraas ku saabsan Baabuurta isbitaalka sida kuwa ANBALANCE KA ah in iyaga ay keensadaan ,isla Markana Hay.ada isbitaalka ay bixiso Qandaaraskaasi Halka MDO iyaguna ay diidan yihin arintaasi


Madaxweyne Xaaf ayaa saxiixay Qandaras Baabuurta isbitaalka lagu siinayo shaqsiyaad gaar ah waxana arintaasi ay keentay khilaaf Hor leh oo soo kala dhax Galay Hay’ada isbitaalka Haysay iyo Ururka MDO

MSF shaqsiga masuulka uga ah waa Shaqsi ka soo jeeda Puntland oo mar walba buun buuniya hadii uu helo khilaaf yar waxana mar walba uu dira warbixin walba uu u arkayo in hay,ada isbitaalka gacanta ku haysa ay u arkayso in dhibaato ay kala kulmi karaaan arimahaasi , waana arinta keentay in khilaafka isbitaalka uu gaaro Madaxda Ugu Saraysa Hay,adaasi isla markana hay’ada ay sheegtay in ay ka baxayso isbitaalka

MDO Maxayse qaabilsan Yihiin Yaaase Wakiiil uga ah isbitaalka Gaalkacyo


MDO Waa Urur ay aas aaseen Jaaliyadaha Galmudug waxana ururkaasi uu ahaa Ururka maamuli jiray isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug waxana Wakiiil u ah shaqsi lagu magacaabo Maxamed Cabdi oo mudo dhawr iyo toban sano ah maamulayay isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo oo markii danbe loo bixiyay Gaalkacyo Hospital waana Shaqsiga kaliya ee isbitaalka gacanta ku haya]

Agaasimaha isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo Maxamed Cabdi wakiilna ka ah MDO


MDO waxay gali jireen Qandarasyada kal duwan ee Hay.ada lagu wareejinayo isbitaalka, waxayna ururkoodu uu Heli jiray Dhaqaalo farabadan oo ay ka heli jireen Hay.adoo calami ah madama ay gacanta ku hayaan Halka isbitaal ee daboolaha baahiya shacab isaga kala imaan jiray Gobalada Mudug iyo Galgaduud.


Maxamed Cabdi o ah Maamulaha isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug waa Shaqsiga kala wada isbitaalka w,aana wakiilka MDO eee masuulka uga ah isbitaalka Gaalkacyo


MDO aya dida inta Badan wax walba oo iyaga ka hor imanaya in ay waayaan Dhaqaalaha ay ka helayaan hay,ada markaasi isbiytaalka lagu wareejinayo xita Hadii uu xirmayo isbitaalka waxaa mar walba u daran danaha gaar ka ah ee ururkooda sida ay ilo wareedyo ka shaqeeya isbitaalka koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug ay u shegeen warbaahinta Hobyomedia.com Xafiiskiisa Magaalada Gaalkacyo


Hay,ado ay ka mid Yihiin IMC iyo IRC oo gacanta ku hayay qaybo ka mid ah isbitaalka Gaalkacyo aya isbitaalka uga baxay khilaaf soo kala dhax galay hay,adahaasi iyo URURKA MDO waxana madaxda Ururkaasi ay danta shacabka ay ka hormariyaan Dantooda waana Sababta uu mar walba u xirmo isbitaalka gaalkacyo


La soco Qaybta 2aad oo aan uga Hadlayno sababta isbitaalka albabaada la isugu dhuftay , Go,aanka MDO , Qandaraaska la isku qabsaday , madaxweyne Xaaf waxa uu ka ogyahay arintaasi , dantii shacabka aaway?
? Sido kale Qaybta 2aad waxan ku soo qadanaya kulan dhax maray Odayaal doonayay in la siyo Qandaraska baabuurta laga kiraynayo Hay,ad wixii dhacay ,iyo arimo kale oo xasasi ah oo sababay xiritaanta isbitaalka Gaalkacyo ee Galmudug

Hobyomedia.com Warbaahinta wax Dhista

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

LEAVE A REPLY