Xog Wasiir Qoor qoor Oo Guriguu Dhuuso mareeb ka Degay Korontada Laga...

Xog Wasiir Qoor qoor Oo Guriguu Dhuuso mareeb ka Degay Korontada Laga Jartay

0
SHARE

Magaalada Dhuuso mareeb waxaa ka socda hardan ballaaran oo dhanka siyaasada ah,kaas oo mid walbo uu doonayo inuu Xilka Galmudug isaga shanta farood ku dhigo.Advertisement

Ololaha Doorashada ayaana ah mid ka mid ah waxyaabaha la isku kala ogaado hadba taageerada qofka uu heli karo iyo galaan galkiisa halka uu la gaari karo.

Dawlada Dhexe ayaa labo afleyn ku duulaan tegeysa Doorashada Galmudug marka loo eego sida la isku garab dhigayo waxa socda.

Ilo madax banaan ayaa sheegaya in Cabdi Axmed Cabdullaahi (Cabdi Dheere) oo murashaxiinta Galmudug ka mid ah uu quus muujiyey,ninkaan oo ay saaxiib yihiin Madaxweyne Farmaajo ayaa ka yimid Dalka Mareykanka.Advertisement

Maanta oo Arbaco aheyd Hoygii uu ka kireystay Dhuuso mareeb Murashax Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) ayaa waxa la sheegay in korontada laga jaray.

Shirkada Adeega Korontada Bixisa Magaaladaasi Ee Hilaac Electric ayaana sheegtay in Lacagta xilligii la rabay la bixin waayey sidaa awgeedna ay jareen.Advertisement

Xaalka Siyaasada Galmudug ayaa cakiran markii Ahlusuna hadana waxaa Wasiir Sabriye uu ku baxay sidii wada hadal kale loola furi lahaa cid kasta oo Geedi socodka ay wadaan Saluug ka muujisa.

LEAVE A REPLY